Liiska Kooxaha Soo Gaaray Wareega 16-ka, Xiddiga Ugu Goolasha Badan Koox Walba & Mid Walba Kooxaha Ay Ku Aadi Karto.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 7, 2017

Xalay waxaa lasoo afjaray wareega group-yada Champions League xilli ciyaareedkaan madama la ciyaaray kulamadii ugu dambeeyay, waxaana dhameystirmay 16-ka kooxood ee wareega 16-ka loo sameynayay qori tuurka si la isugu beego.

Isku aadka la qaban doono Isniinta, waxaa la qiyaasayaa in ugu yaraan 2 ilaa 3 kulan oo waaweyn ay kasoo baxaan madama booska 1-aad iyo booska 2-aad ay kusoo wada baxeen kooxo shar ah oo aan kala yareysan.

Kooxaha Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay ay shan koox usoo gaartay wareega 16-ka, waxaana kaliya booska 2-aad kusoo baxay Chelsea oo kulankii ugu dambeeyay la hakiyay, balse afarta kale ee United, City, Liverpool & Spurs waxey kusoo baxeen kaalmaha 1-aad ee group-ka.

Kooxaha Soo Gudbay:

Booska 1-aad: Manchester United (ENG), Paris (FRA), Roma (ITA), Barcelona (ESP), Liverpool (ENG), Manchester City (ENG), Beşiktaş (TUR), Tottenham Hotspur (ENG)

Booska 2-aad: Basel (SUI), Bayern München (GER), Chelsea (ENG), Juventus (ITA), Sevilla (ESP), Shakhtar (UKR), Porto (POR), Real Madrid (ESP)

Kooxaha Kaalmaha Koowaad

Group A: Manchester United [ENG]

Waxey ku aadi kartaa: Bayern, Juventus, Sevilla, Shakhtar, Porto, Real Madrid

Gooldhaliyahooda: Romelu Lukaku (4)

Group B: Paris Saint Germain [FRA]

Waxey ku aadi kartaa: Basel, Chelsea, Juventus, Sevilla, Shakhtar, Porto, Real Madrid

Gooldhaliyahooda: Edinson Cavani, Neymar (6)

Group C: As Roma [ITA]

Waxey ku aadi kartaa: Basel, Bayern, Sevilla, Shakhtar, Porto, Real Madrid

Gooldhaliyahooda: Edin Džeko (3)

Group D: Barcelona [ESP]

Waxey ku aadi kartaa: Basel, Bayern, Chelsea, Shakhtar, Porto

Gooldhaliyahooda: Lionel Messi (3)

Group E: Liverpool [ENG]

Waxey ku aadi kartaa: Basel, Bayern, Juventus, Shakhtar, Porto, Real Madrid

Gooldhaliyahooda: Roberto Firmino (6)

Group F: Man City [ENG]

Waxey ku aadi kartaa: Basel, Bayern, Juventus, Sevilla, Porto, Real Madrid

Gooldhaliyahooda: Raheem Sterling (4)

Group G: Besiktas [TUR]

Waxey ku aadi kartaa: Basel, Bayern, Chelsea, Juventus, Sevilla, Shakhtar, Real Madrid

Gooldhaliyahooda: Cenk Tosun (4)

Group G: Tottenham Hotspur [ENG]

Waxey ku aadi kartaa: Basel, Bayern, Juventus, Sevilla, Shakhtar, Porto

Gooldhaliyahooda: Harry Kane (6)

Kooxaha Kaalmaha Labaad

Group A: Basel [SUI]

Waxey ku aadi kartaa: Paris, Roma, Barcelona, Liverpool, Manchester City, Beşiktaş, Tottenham

Gooldhaliyahooda: Dmitri Oberlin (4)

Group B: Bayern Munich [GER]

Waxey ku aadi kartaa: Man United, Roma, Barcelona, Liverpool, Man City, Beşiktaş, Tottenham

Gooldhaliyahooda: Robert Lewandowski, Corentin Tolisso (3)

Group C: Chelsea [ENG]

Waxey ku aadi kartaa: Paris, Barcelona, Beşiktaş

Gooldhaliyahooda: Eden Hazard (3)

Group D: Juventus [ITA]

Waxey ku aadi kartaa: Man United, Paris, Liverpool, Man City, Beşiktaş, Tottenham.

Gooldhaliyahooda: Gonzalo Higuaín, Mario Mandžukić (2)

Group E: Sevilla [ESP]

Waxey ku aadi kartaa: Manchester United, Paris, Roma, Manchester City, Beşiktaş, Tottenham

Gooldhaliyahooda: Wissam Ben Yedder (6)

Group F: Shakhtar Donetsk [UKR]

Waxey ku aadi kartaa: Manchester United, Paris, Roma, Barcelona, Liverpool, Beşiktaş, Tottenham

Gooldhaliyahooda: Bernard (3)

Group G: Porto [POR]

Waxey ku aadi kartaa: Man United, Paris, Roma, Barcelona, Liverpool, Man City, Tottenham

Gooldhaliyahooda: Vincent Aboubakar (5)

Group H: Real Madrid [ESP]

Waxey ku aadi kartaa: Manchester United, Paris, Roma, Liverpool, Manchester City, Beşiktaş

Gooldhaliyahooda: Cristiano Ronaldo (9)