Lacagta Ruushka Kaga Baxday Martigelinta Koobka Adduunka, Waxa Uu Ka Faa’iidayo Iyo Fursadaha Siyaasadeed Ee Ugu Jira

Waddanka Ruushka ayaa lixdii sannadood ee u dambeeyey ka shaqaynayey qaban-qaabada martigelinta Koobka Adduunka, waxaana uu dib u qaabeeyey darsin magaalooyin ah iyo garoomo qurux badan oo qaarkood la dhisay kuwo kalena dibu-habayn lagu sameeyey.

Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Ruushka ayaa ah dhacdadii ugu weynayd ee taariikhda waddankaas tan iyo burburkii Midowgii Soviet-ka.

Madaxweyne Vladamir Putin ayaa ku kharas gareeyey qaban-qaabada lacaag ka badan 11 bilyan oo dollar, iyadoo afarta toddobaad ee soo socda ay malaayiin dad ah oo iskaga yimid dunidu ku sugnaan doonaan wadanka Ruushka.

Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin waxa uu rajaynayaa in dadka soo booqday dalkooda ay tusaan weji saaxiibtinimo, isla markaana aanay faquuq kala kulmin dadkooda oo go’doon ku jiray tan iyo sannadkii 2014 markii uu Putin xoogga kula wareegay Crimea oo ka tirsnayd Ukraine.

Laga soo bilaabo Yekaterinburg oo ku taalla Urals illaa Kaliningrad oo badda Baltic ah, dhamaan magaalooyinka waaweyn oo tiradoodu tahay 11 ayaa loo qaybiyey ciyaaraha.

Dhaqaaleyahannadu waxay ku doodayaan in Ruushka oo dhaqaalihiisu yahaya 1.5 trillion oo dollar ay ku badan tahay inuu lacag intaas le’eg ku bixiyo Koobka Adduunka, hase yeeshee waxay rajaynayaan in 50 billion ay kasoo gasho, taas oo ah dhaqaale badan marka la barbar dhigo waxa kaga baxay.

Madaxweyne Putin ayaa ka qayb-galay xafladdii furitaanka ee Khamiistii oo ay Russia iyo Saudi Arabia ku wada ciyaareen garoonka Luzhniki oo sidoo kale noqon doona halka lagu qaban doono ciyaarta finalka Koobka Adduunka oo qorshaysan July 15.

Madaxweynaha oo toddobaadkii hore la hadlay warbaahin laga leeyahay waddanka China, waxa uu sheegay in aanu wax badan ka filaynin xulka qarankiisa, hase yeeshee uu saadaalinayo Spain, Germany, Argentina iyo Brazil, balse Ruushku guul weyna yey ku bilaabeen, waxaanay 5-0 kaga takhaluseen Saudi Arabia oo boqorkoodu garoonka fadhiyey.

Heesaaga reer Britain ee Robbie Williams ayaa ka heesay xafaddii furitaanka oo indho sarcaad cajiib ah lagu soo bandhigay.

Madaxweyne Putin oo ka hadlay xafladdii furitaanka ayaa yidhi: “Dhacadan ciyaareed ee weyn ee lagu qabanayo Ruushka markii ugu horreysay aad ayaanu ugu faraxsanahay. Waxa aanu samaynay wax walba oo aanu ugu xaqiijinayno taageereyaasha, ciyaaryahannada iyo xirfadleyaasha inay helaan jewi wanaagsan markay fasaxa ka yihiin kubadda cagta, dabcan, ku raaxaysta joogitaan furan iyo soodhoweynta Ruushka.”

Dublomaasi hore oo Ruush ah oo lagu magacaabo Vladimir Frolov, haddana ah falanqeeye arrimaha siyaasadda dibedda oo ku nool Moscow, ayaa waxa uu sheegay in ciyaaraha Koobka Adduunka ee dalkiisa lagu qabanayo ay fududaynayaan kala-qoqobnaanta dunida iyo Ruushka.

“Martigelinta tartanku wuxuu si guul leh u caawinayaa inuu yareeyo go’doonka Ruushku kaga jiro Yurub.” Ayuu yidhi Vladimir Frolov.

 

2 Comments

  1. Aaway hanbalyadii ciida?
    Waxa fiican in aad ugu yaraan soo qortaan ciid Mubarak!!

    • Page sports waaye waajibna ma ahan inay kugu hambalyeyaan shaqadooda waa sports

Comments are closed.