“Labaduba Waa Macquul In La Iibiyo” Arsene Wenger Oo Markii Ugu Horeysay Qirtay Iney Iibin Doonaan Mesut Ozil Iyo Alexis Sanchez.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Oct 12, 2017

Arsene Wenger ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay iney macquul tahay iibinta Mesut Ozil & Alexis Sanchez marka la gaaro bisha January hadii aysan saxiixin heshiis cusub, xilli Gunners ay ka biyo diidsan tahay iney si bilaash ah ku bixiso labada xidig ee heshiiskooda uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Arsene Wenger wuxuu doorbidayaa inuu kooxdiisa kusii heysto Mesut Ozil inkastoo xidiga reer Jarmal uusan diyaar u aheyn inuu baaqi kusii ahaado Emirates Stadium.

Shalayto ayey aheyd markii ugu wakiilka Mesut Ozil ka dhawaajiyay in wadahadalada heshiis kordhinta ee Gunners ay meel fiican marayaan, isla markaana ay macquul tahay inuu xidigaan sii joogo waqooyiga London.

Balse tababaraha reer France ee maamula Gunners Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in hadii lagu fashilmo in heshiiskiisaas uu dhaco ay albaabada u furi doonaan xidigii hore Real Madrid bisha January si la mid ah xidigii hore Barcelona Alexis Sanchez.

“Waxaan ku talinay xal walba, hadii ay macquul noqoto waan iibineynaa January” ayuu yiri tababare Arsene Wenger oo wax laga weydiiyay arinta wiilashiisa.

“Waqti kama dambeys ah uma sameynin marka loo baahan yahay iney saxiixaan wali”

Dhanka kale Wenger ayaa wax laga weydiiyay sida uu u arko hadalka wakiilka Mesut Ozil uu ku yiri inuu joogayo England.

“Haa, waa qiimeyn daacad ah, waxaan mar walba dhihi jiray xaqiiqdii wax heshiis ah lama gaarin sanadkii hore balse lama macno aha iney bixi doonaan”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments