Laacibkii Hore Ee Chelsea Decco Oo Sheegay HALKA Qalad Ee Uu Antonio Conte Shaqadiisa Halista Ku Galiyey

Antonio Conte marnaba ma ahayn in uu iibiyo Diego Costa, waxaa sidaas qaba Deco.

Sidii liidatay ee ay Chelsea u difaacan weysay Premier League-ga ayaa keentay in Antonio Conte u baqo shaqadiisa Stamford Bridge.

Blues kama qeybgali dooto Champions League ol’olaha dambe kaddib markii ay kaalinta shanaad ku dhammeystay Premier League halka ay 30 dhibcood ka hooseysay Mancehster City.

Chelsea waxaa soo food saaray goolal yari xilli Alvaro Morata ku fashilmay in uu buuxiyo booskii uu baneeyey Diego Costa.

Marka laga yimaado in uu u horseeday hanashada horyaalka 2017, Spaniard-ka waxa ay si weyn igu dheceen Antonio Conte.

Deco, hase ahaatee, waxa uu qabaa in Chelsea ay la kulantay cawaaqib xumadii ka dhalatay in xalliyaan khilaafkii u dhexeeyey Costa iyo Conte.

“Premier League-ga dhawrkii ol’ole ee u dambeeyey waxa uu noqday mid loolan adag. Waxaa jira kooxaha waa weyn oo badan, is bedello badan,” ayuu Deco u seheegay Express Sport.

“Waxaan qabaa in aynu arki doonno kooxaha kala duwan oo ku guuleysanaya sanada dambe. Manchester City waxa ay Premier League ka sameeysay wax aan caadi ahayn.

“Laakiin Chelsea sanadkii hore ayey ku guuleysatay, waxa ayna weysay ciyaaryahan muhiim ah, Diego Costa waa sida ay ila tahay.

“Sida ay u dheelaan, Diego aad ayuu iyaga muhiim ugu ahaa. Wey adkeyd in ay helaan badalkiisa. Morata la mid ma aha, xataa Giroud la mid aha. Diego, aniga ahaan waxa uu ahaa ciyaaryahanka ugu habboon qaabka uu Conte u dheelo.

“Sidoo kale waxaan qabaa in ay lumiyeen Matic, waxa ay qabaan khad dhexe oo wanaagsan, laakiin aniga ahaan, waa tagiddi Diego Costa.

Chelsea wali ma aysan sameyn tallaabo lagu xaqiijinayo eryidda Antonio Conte balse waxa ay wadaxaajoodyo la gashay Maurizio Sarri iyo Laurent Blanc.