LA OGAADAY: Toni Kroos Oo Jeclaan Lahaa Inuu Qaranka Jarmalka Ku Arko Laba Ka Mid Ah Xidigaha Real Madrid

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 29, 2016

Xiddiga Khadka dhexe xulka qaranka Jarmalka Toni Kroos ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa laba ka mid ah xidigaha Real Madrid inuu ku arko qarankiisa.

Layaabka ugu badan ee jira ayaa ah in 26-jirkaan heerka caalami uusan dooran mashiinka kooxda Cristiano Ronaldo, balse wuxuu doortay laba  ka mid ah xidigaha safka h--e ee kooxda.

Kroos ayaa la weydiiyay hadii uu dooran lahaa hal ciyaartoy oo qaranka Jarmalka kala soo muuqda kaas oo ka tirsan Real Madrid, balse xidigii h--e Bayern Munich ayaa doortay laba xidig.

kroos

“Miyaan dooran karaa laba? ayuu Kroos u sheegay Kicker, “Waxaan qaadan lahaa Luka Modric iyo Gareth Bale”

“Waa wax xiiso badan inaad la ciyaarto Luka. Si fudud ayan isku fahanay laga soo bilaabo maalintii ugu horeysay. waxaa nahay dad u fakara si isku mid ah, balse leh qaabab kala duwan. Midba midka kale ayuu dhameystiraa”

“Gareth Bale hubkiisa waa xawaarahiisa, lugtiisa bidix iyo Madax”

Toni Kroos ayaa kusoo biiray Real Madrid isbuucyo kadib markii uu ka caawiyay Jarmalka koobka Aduunka, kubad sameeyahaan ayaa sadex jeer kula guuleystay Bayern Munich horyaalka Jarmalka, balse wali wuxuu raadinayaa inuu ku guuleysto La Liga inkastoo uu kula guuleystay Los Blancos tartanka Champions League.

Like it? Share it!

5 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Amiin farah 29-11-2016 at 3:11 pm - Reply

    woodie

  2. Amiin farah 29-11-2016 at 3:10 pm - Reply

    beyntiisanamaa cr7 walagaficanyahay

  3. Sulley 29-11-2016 at 2:54 pm - Reply

    Toni Kroos iyo Modriç Khadka dhexe ee adduunka

  4. Abdikarim Hussein 29-11-2016 at 12:42 pm - Reply

    Layaab maaha maxaa yeelay isaga ayaa qadshexe ah, wuuna yaqaanaa si loolaxiriiri qaddhexe kale.

    • SULLEY 29-11-2016 at 2:42 pm - Reply

      A/Kariim Hussain afsoomaaliga iska sax
      Qaddhexe maahee waa Khad dhexe
      Xaraf boodka iyo qoraalka iska sax

Leave A Response