La Ogaaday: Sababta Ay Manchester United Uga Hor Istaagtay Mourinho Saxiixa Leonardo Bonucci

Manchester United waxa ay meesha ka saartay saxiixa Leonardo Bonucci iyada oo u aragtay in uusan u qalmin qiimihii lagu doonayey, sidaas waxaa qaba warar hoose.

Mourinho waxa uu bartilmaameedsanayey daafac dhexe oo tayo xagaagii hore balse waxa uu suuqa kala tagay niyad jab kaddib markii loo keenay oo kaliya Fred, Diogo Dalot iyo Lee Grant.

Daafaca Leicester Harry Maguire iyo midka Spurs Toby Alderweireld ayaa ahaa ahmiyadda kowaad ee Mourinho balse waxaa sidoo kale diiradda u saarnaa Bonucci.

Bonucci oo 31 jir ah waa mid ka mid ah daafacyada ugu wanaagsan Yurub isaga oo inta badan waayihiisa ku qaatay Juventus kahor inta uusan ka aadin AC Milan.

The Sun waxa ay qortay in Bonucci diiradda u saarnaa Mourinho oo u arkayey in uu khibrad ku soo kordhin doono Old Trafford.

Hase ahaatee, mas’uuliyiinta United ayaa u arkayey in uusan u qalmin qiimihii lagu doonayey waxa uuna ku dambeeyey in uu Bianconeri ugu laabto £31million.

Go’aankii ahaa in United aysan la soo saxiixand daafac dhexe waxa uu ku noqday caqabad xilli ay Red Devils dhibaato ku bilowday ol’oleheeda.

Man United waxaa soo garay laba guuldarro oo xiriir ah horyaalka kahor inta aysan guuleysan ciyaartii Burnley.

Marka laga yimaado Maguire, Alderweireld iyo  Bonucci, United waxa ay dooneysay daafaca dhexe ee Bayern Munich Jerome Boateng.