LA OGAADAY: Monaco Oo Sabab U Ah In Manchester United Ay Diido Inay Iibiso Anthony Martial Inkastoo Uusan Qeyb Ka Aheyn Qorshaha Mourinho

Manchester United ayaa diidan inay iibiso xiddiga aysan dooneynin Anthony Martial sababtoo ah waxay ku qasban yihiin inay boqolkiiba 50 faa’idada ay ka sameeyaan iibkiisa inay siiyaan kooxda Faransiiska ee Monaco.

Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa ciyaarsiiyay xiddiga reer France kaliya lixdan daqiiqo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Chelsea, Tottenham iyo Inter Milan ayaa isha la raacaya xaalada Athony Martial kaasoo kulanka kaliya ee uu ciyaaray xilli ciyaareedkan ay tahay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Brighton.

Laakiin inkastoo sida cad uusan qeyb ka aheyn qorshayaasha tababaraha, Ed Woodward iyo raga dhanka dhaqaalaha u qaabilsan kooxda ayaa doonaya inay ciyaaryahanka ku sii heystaan kooxda.

Xiddiga 18ka kulan u saftay France ee 22 sanno jir ah ayaa qiimaha uu ilaa iyo haatan ku fadhiyo waxa uu gaarayaa 44.5 milyan ginni iyadoo ay jiraan sharuudo kale oo lacagtiisa sarre u qaadeyso oo gaarsiin karta 57.6 milyan ginni.

Wargeyska The Sun ayaa ogaaday in Monaco ay heli doonto kala bar lacagta faa’idada ah haddii United ay iibiso xiddiga reer France.

Woodward ayaan ogolaan doonin in Martial laga iibiyo koox Premier League ah, waxaana intaas sii dheer ka dib markii ay xisaabtameen inaysan arkin wax faa’ido ah oo ugu jirta inay ka iibiyaan koox ka dhisan meel ka baxsan Ingariiska.

Waxaana ay ka fiirsanayaan inay amaah ku siiyaan koox aan Ingariis aheyn bisha Janaayo si uu Martial u helo waqti uu ku ciyaaro islamarkaana ay kooxda u ilaashato hantidooda.