LA OGAADAY: Hal Sabab Oo Ay Maamulka Real Madrid Ku Eedeeyeen Rafael Benitez Oo Zinedine Zidane Loo Ogaaday In Uu Sameeyo Oo Shaaca Laga Qaaday.

Marar badan waxaa soo baxayay eedaymo loo soo jeedinayay madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez oo lagu durayay in uu faraha la soo galo maamulka kooxda kowaad ee Los Blancos isaga oo aan tababarayaasha siin awooda go’aan walba ay kooxda dhexdeeda kaga qaadan karaan si ay danta kooxda uga shaqeeyaan.

Real Madrid ayaa sanadihii la soo dhaafay shaqada kooxdeeda ka caydhisay tababarayaal magac wayn ku dhex leh kubbada cagta waxaana ka mid ahaa Carlo Ancelotti oo koobka UEFA Champions league u soo qaaday iyo Rafa Benitez oo muddo dhawr bilood ah shaqada lagaga joojiyay.

Haddaba caawiyihii Rafael Benitez ee Fabio Pecchia ayaa ugu danbayn faah faahin ka bixiyay hal sabab oo isaga iyo Benitez ay eedayn kaga heleen maamulka Madrid balse Zinedine Zidane loo ogolaaday waxayna xidhiidh la leedahay isla fara galinta Perez ee shaqada tababaranimino ee Madrid.

Caawiyihii Rafa Benitez ee Fabio Pecchia oo waraysi siiyay jariirada dalka Talyaaniga ka soo baxda ee La Gazzetta dello Sport ayaa cadeeyay in maamulka Madrid ay Benitez ku eedeeyeen in uu ciyaarsiiyay Casemiro wuxuuna shaaca ka qaaday in maamulka Madrid ay doonayeen in James Rodriguez ama Isco uu ciyaaro laakiin wuxuu xusay in haddana isla markii uu Zidane badalay Benitez uu Casemiro ciyaarsiiyay.

Caawiyihii Rafa Benitez ee Fabio Pecchia oo hadalkiisa ka bilaabaya waqtigii ay Real Madrid ka baxeen iyo halkii ay ku jireen ayaa yidhi: “Waxaanu kooxda ka baxnay January, iyada oo kaalinta labaad ku jirta oo laba dhibcood ka hoosaysa Barcelona”.

Fabio Pecchia oo sababta maamulka Madrid ay faro galinta ugu sameeyeen go’aamadii ay iyagu lahaayeen ka hadlaya ayaa yidhi: ‘Wax walba waxaa ka sareeya, waxay nagu eedeeyeen in aanu ciyaarsiinay Casemiro halkii aanu ka ciyaarsiin lahayn James Rodrigugez ama Isco, taas oo ahayd wuxuu uu markii danbe Zidane sameeyay”.

Zidane ayaa James Rodriguez iyo Isco oo ay maamulka Madrid doonayeen in ay ciyaaraan waxa uu ogolaysiiyay kaydka isaga oo Casemiro ka dhigay xidiga uu maanta yahay balse sida uu caawiyihii Benitez xogtan ku bixiyay maamulka Madrid ayaan markaa jeclaysan in Casemiro uu ciyaarayay.

Intaa kadib  Fabio Pecchia ayaa amaanay qolka labiska Real Madrid wuxuuna yidhi: “Waxay ahayd khibrad layaableh, tababar kastaaba waa final, naftooda ayuu midba kan kale wax ka dalbaadaa. Wax walba kaalinta kowaad ayay ku yihiin, Sergio Ramos waa nooca adag oo ah astaan Spanish ah, laakiin Cristiano marka uu hadlo waa Cristiano”.