Kylian Mbappe Oo Ku Biiray Liiska Xiddigo Uu Ku Jiro Pele Oo Sooyaal Naadir Ah Ka Dhigay Koobka Aduunka

Kylian Mbappe waxaa lagu wadaa in uu taariikh sameeyo axadda marka ay France ku wajahdo fiinaalaha koobka aduunka Belgium.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain waxa uu noqon doonaa xiddiggii saddexaad eek a hooseeya da’da 20-ka oo dheela fiinaalaha koobka aduunka.

Mbappe, oo ay da’diisu tahay 19 ayaa ku raaxeysatay tartan qeyrul-caadi ah waxaana la filayaa in la siiyo koobka dahabka sidaasna ku noqdo laacibkii koobka aduunka ugu wanaagsanaa.

Waxa uu dhaliyey saddex gool ilaa iyo hadda, xilli France ay kaalinta kowaad uga soo baxday Group-kii ay ku jirtay, soo dishay Argentina, Uruguay iyo Belgium.

Mbappe waxa uu ku biiri doonaa liis ay ku jiran Pepe, kaas oo ka soo muuqday fiinaalihii koobka aduunka ee 1958 isaga oo 17 jir ah iyo dadbkii middig ee Italy Giuseppe Bergomi kaas oo da’da 18 sao uga soo muuqday fiinaalihii 1982.

Mbappe waxa uu filayaa in uu reebo raad la ah iyo saameyn tii Pele ee 60 sano kahor.