Kylian Mbappe Oo Isagoo Qaan Gaar Ah Soo Gaaray Bernabee – Miyuuse Waqtigaan U Riyaaqaa Cristiano Ronaldo?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Feb 14, 2018

Weeraryahanka da’da ee Paris Saint Germain Kylian Mbappe ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Spain ee Madrid isagoo markaan qaan gaar ah, waana mid ka mid ah xidigaha ugu awoodda badan kooxdiisa isagoo caawa ka hortagaya difaacdayaasha tartanka horyaalada yurub.

Les Parisiens wiilkeeda wuxuu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Madrid iyadoo ay u tahay waqti weyn, wuxuu helay fursad uu mar kale saacado ugu noolaado caasimadda isagoo 14-jirkiisii soo booqday kooxda sidoo kalana sawiro la galay Cristiano Ronaldo oo uu markii hore aad u xushmeyn jiray.

Kylian Mbappe ayaa sameeyay 15-gooliyo 14-caawin xilli ciyaareedkaan 31-kulan oo uu kooxdiisa kasoo muuqday dhamaan tartamada oo dhan.

Xidigaan reer France wuxuu ciyaari doonaa caawa, sidoo kalana waa 19-jir la filayo inuu wacdaro ka dhigo  Santiago Bernabeu, idaacadda Marca ayaa wax ka weydiisay inuu ku dayan jiray xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo.

“Markaan yaraa waan xushmeyn jiray Ronaldo, balse hadda wey soo dhamaadeen” ayuu yiri Mbappe.

“PSG waa kooxda magaaladeyda, waxaan doonayay inaan u ciyaaro PSG, aad baan ugu faraxsanahay waqtigaan sida ay wax u socdaan”

7 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. jacfar best junior 14-02-2018 at 5:31 pm -

    waaa la ogaan sergio ramos ooo dhabarka iska buurty jabay hdaanah la arag kab korkeed wax ii saarah viva messi and phillipe

  2. japra pianga 14-02-2018 at 3:39 pm -

    fiva ramos and varane

  3. Maw emre can 14-02-2018 at 3:31 pm -

    Aduun wa taas ninkii u kadambeyn jiray buu cawo isla barbar dhigaa dadaalaa wuu gaara waaye

  4. xisto 14-02-2018 at 2:13 pm -

    real 0-4 BSG

    • japra pianga 14-02-2018 at 3:41 pm -

      sxb ciyaarahaad kusoo boodaye hadlka iska hagaaji

  5. zaniir 14-02-2018 at 2:06 pm -

    Adeerkii buu ka hor imanayaa caaaawa uu yaraatisi taageeri jirey

  6. Abdurahman Madrista 14-02-2018 at 1:55 pm -

    hhm layab ilmhaan caruirta mxay tahay wacdaru ramos iyo difayda madrid ula tagayo wax walba laguma hadlo e wxa iska xikmadeya “SIDAY WAX U DHACAN WAA
    LA ARKAYA”