Kylian Mbappe Oo Go’aansaday Mustaqbalkiisa Kana Hor Yimid Rabitaanka Waalidkiisa – “Real Madrid ama Monaco”

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Jun 19, 2017

Mustaqbalka weeraryahanka da’da yar ee Monaco Kylian Mbappe ayaan sal laheyn ilaa iyo haatan, balse 18-jirkaan heerka caalami wax walba oo maankiisa ku jiray wuu cadeeyay madama uu ka dhawaajiyay inuu kaliya ku biirayo Real Madrid hadii uu ka tagayo xagaagan kooxdiisa.

Kylian Mbappe wuxuu khamiistii lasoo dhaafay Palma de Mallorca kula kulmay milkiilaha ahna madaxweynaha kooxda Dmitri Rybolovlev una sharaxay rabitaankiisa.

“Real Madrid ama kooxna” ayuu yiri Kylian Mbappe kaas oo aan dooneyn inuu ku biiro koox aan aheyn Los Blancos, balse dadka u dhaw oo uu ka mid yahay aabahiis waxey doorbidayaan inuu ku biiro Paris Saint Germain.

Mbappe 14-jirkiisii ayaa lagu sawiray maaliyadda Real Madrid markaas oo uu booqday xarunta tababarka Real Madriid.

Maamulka Madrid waxey haatan dajiyeen qorshe cajiib ah kaas oo aa la ogeyn sida uu ku hirgali doono waxeyna doonayaan iney la saxiixdaan haatan, balse ay hal xilli ciyaareed u ogolaadaan inuu ku qaato Stade Louis II.

Si kastaba bixitaanka Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale badali kara qorshaha maamulka kuwaas oo aan sanad amaah ku bixin doonin Mbappe hadii ay la saxiixdaan, balse waa hadii go’aanka CR7 uu noqdo mid la xalin waayo.

Ugu dambeyntiina saxaafadda Spain ayaa aaminsan in Kylian Mbappe uu ugu fadhiyi karo Madrid lacag dhan 100 Malyan oo Euro.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments