Kulanka Ciyaartoydiisu Ku Qiimaysan Tahay In Ka Badan Halka BILYAN Ee El Clasico-da Ee Barcelona Iyo Real Madrid Oo Aduunka Si Wayn Looga Sugayo

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Dec 1, 2016

Indhaha aduunka oo dhan ayaa ku soo jeeda Camp Nou halkaas oo ay ka dhici doonto ciyaarta heerka kooxood ee aduunka ugu xamaasada badan ee El-Clasico-da iyada oo Barcelona soo dhawayn doonta kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid. Labada kooxood ayaa ayaa haysta ciyaartoyda kubbada cagta aduunka ugu qaalisan oo lagu qiimaynayo in ka badan hal bilyan oo euros.

clasico

Qiimahan ayaa sare u kici lahaa isla markaana aad uga badan lahaa haddii ay labada kooxood soo wada iibsan lahaayeen ciyaartoyda kooxahooda ka tirsan, waxaana qiimaha lacageed ee labada kooxood hoos udhigay ciyaartoyda Lionel Messi, Lucas Vazquez, Sergio Busquets iyo ciyaartoyda la midka ah ee ka soo baxay xarimaha barbaarinta Barcelona iyo Real Madrid.

Real Madrid ayaa sanadihii la soo dhaafay suuqa la gashay lacag gaadhaysa 613.4 milyan euros iyada oo lacagaha ugu badan kula soo wareegtay  Cristiano Ronaldo (94m), Gareth Bale (91m) iyo James Rodriguez (80m) oo ka badan kala badhka kharashka kooxda Madrid.euros

Real Madrid ayaa sidoo kale 20-40 milyan oo euros ku bixisay saxiixyada Toni Kroos, Luka Modric, Karim Benzema, Sergio Ramos, iyo Pepe waxaase qiimo intan ka yar Madrid ugu soo wareegay Danilo, Isco, Mateo Kovacic, Alvaro Morata iyo Fabio Coentrao halka Keylor Navas (10m), Dani Carvajal (6.5 m) iyo Casemiro (9m) ay yihiin xidigaha qiimaha ugu fiican ugu soo biiray Madrid.

Dhinaca Barcelona waxay kooxdeeda ku haysataa Lionel Messi oo lagu qiimaynayo 200 milyan euros oo ayna Barcelona wax lacag ah ka bixin iyada oo kala soo baxday xarunteeda si la mid ah Sergio Busquets, Andres Iniesta, Sergio Roberto, Jordi Masip iyo Rahinha. Waana ciyaartoy qiimo wayn ay Barcelona ka bixin lahayd haddii ay suuqa kala soo wareegi lahayd.

Laakiin kooxda Camp Nou ka dhisan ayaa sanadihii la soo dhaafay lacago badan kula soo wareegtay  Luis Suarez, Neymar JR, Ivan Rakitic iyo Marc-Andre ter Stegen ay ka soo bixisay 81m, 85.4m, 18m iyo 12m sida ay u kala horeeyaan waxayna sidoo kale lacago qiimahoodu kala duwan yahay kula soo wareegtay Arda Turan, Aleix Vidal, Cillessen, Umtiti, Digne, Denis Suarez iyo Andre Gomes.

QIIMAHA CIYAARTOYDA BARCA:

1

QIIMAHA CIYAARTOYDA MADRID:

2

Like it? Share it!

7 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Najiib Alonso 02-12-2016 at 10:18 am - Reply

    Hala Madrid guul 4 0

  2. Habane Ayaanle 02-12-2016 at 10:18 am - Reply

    Sabtida guul Madrid inshaalaah Barcelona 0 real Madrid 4 guul Madrid

  3. cabdi caawiye 02-12-2016 at 1:10 am - Reply

    inzha aalaah Barcelona 0 – 3 Real Madrid
    labo jemisa iyo hal ronaldo ah

  4. jabriil ciroobe axmad 02-12-2016 at 12:41 am - Reply

    insha Allaah Real Madrid guuul Barcelona 1-3 Real Madrid

  5. jabriil ciroobe axmad 02-12-2016 at 12:39 am - Reply

    Barcelona 1-3 Real Madrid viva loss Madrid guuuul

  6. salah 01-12-2016 at 8:04 pm - Reply

    inashaa allaah guul realmadrid 5-2
    hatric cr7 and two benzima

  7. Siciid.cabdi.guuleed.qayre 01-12-2016 at 7:23 pm - Reply

    HALA….HALA…HALA BARCELONA hadii.ilaahayidhaa barcenola ayaa 3 12 2016 ookubeegan maalin.sabtiya 6 :15pm soodhweyn doonta dhigeeda sida xunuficiltamaa ee cadaawadaweyni kadhaxayso ku soo dhweyndoonta garoonkeeda weyn ee( CAMP,NOU)hadaba.kulanka ayaa lga doonayaa M.S.N inay dhigooda B.BC muquuniyaan lionel,messi & luis,suarez & neyar,JR insha alaahu aan kuraja weynahay inee guuleysanayaan waa inoo sabtida iyo (CAMP,NOU) hadii ilaahay yidhaa

Leave A Response