Kroos, Modric, Bale & Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Aan Ku Guuleysan Horyaalka La Liga

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Kaliya hal dhibic ayey u baahan tahay Real Madrid si ay ugu guuleysato horyaalka La Liga, waxeyna guushaan imaaneysaa shan sano kadib.

Jose Mourinho ayaa ahaa macalinkii ugu dambeeyay ee Real Madrid u qaada horyaalka La Liga xili ciyaareedkii 2011/2012 markaas oo ay Santiago Bernabeu ugu dabaal dageen hanashada iyagoo ku qaaday rikoor 100 dhibcood ah.

Sida xaqiiqda ah 16-ka mid ah kooxda koowaad ee Real Madrid ayaan waligood taaban koobka La Liga kuwaas oo u hanqal taagaya iney markii ugu horeysay hantaan.

Kaliya Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Sergio Ramos, Pepe iyo Marcelo ayaa ku sugan kooxda kuwaas oo ka mid ah safkii Madrid ee ku guuleystay La Liga 2011/12, halka Alvaro Morata isaga uusan ku guuleysan tan iyo soo laabashadiisa.

Liiska xidigaha aan ku guuleysan wali La Liga: Toni Kroos, Carvajal, Isco, Asensio, Modric, Bale, Navas, Nacho, James, Casemiro, Kovacic, Vazquez, Danilo, Casilla, Mariano iyo Ruben Yanez.

Sidoo kale waxaa jira ciyaartoy horyaalo kale kusoo guuleystay sida Toni Kroos oo Bundesliga la qaaday Bayern iyo James oo Porto la qaaday Primeira Liga.

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments