Kooxda Sevilla Oo Sharciga La Tiigsan Doonta Hadii Barcelona Ay Adeegsato

Ka hor kulanka final-ka Spanish Super Cup, kooxda Sevilla ayaa ku dhawaaqday iney sharciga la tiigsan doonto kooxda Barcelona hadii kooxda ka dhisan garoonka Camp Nou ay adeegsato in ka badan saddex ciyaartoy oo aan heysan baasaboorka yurub.

Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa go’aansaday in final-ka laga dhigo hal kulan laguna ciyaaro meel ka baxsan yurub, waxeyna isla wada garteen Tangier oo ku taala dalka Morocco, iyadoo ay taasi jirto ayey xiriirka kubadda cagta soo jeediyeen ineysan xad laheyn xiddigaha ciyaaraya kulanka ee aan heysan baasaboorka yurub.

Si kastaba, Sevilla waxey diyaar u tahay iney dacweyso kooxda reer Catalonia iyadoo tiigsaneysa sharcigii uu horay u lahaa tartanka.

Kooxda Sevilla ayaa ku dhawaaqday iney aad ula yaabtay ku dhawaaqista xiriirka kubadda Cagta Spain ee arrinta ku saabsan ciyaartoyda aan heysan baasaboorka yurub, waxeyna shaaca ka qaadeen iney sharciga la tiigsan doonaan.

Philippe Coutinho ayaa ka baxay liiska ciyaartoyda aan heysan baasaboorka yurub maadaama uu ku helay xaaskiisa darteed baasaboorka Portugal, balse kooxda waxaa wali jooga Malcom, Arturo Vidal, Arthur Iyo Marlon.