Kooxda Ree Colombia Ee Atletico Nacional Oo Soo Bandhigtay Qorshe Koobka Copa Sudamericana Loogu Gudoonsiinahyo Kooxda Musiibadu Ku Dhacday Ee Chapecoense Iyo Kooxaha Ree Brazil Oo Qorshe Kale Haya

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 29, 2016

Kooxda ree Colombia ee Atletico Nacional ayaa soo jeedisay qorshe  koobka Copa Sudamericana lagu gudoonsiinayo isla markaana abaal marin looga dhigayo kooxda ciyaartoydeedu ku geeriyoodeen shilkii diyaareed ee Colombia ku burburtay ee Chapecoense.chapecoense_7w0sxs1rz8kc1lqk2ntfvj9kf

Kooxaha Atletico Nacional iyo Chapecoense ayaa u balansanaa finalka koobka  Copa Sudamericana balse diyaaradii siday ciyaartoyda Champecoense ayaa burburtay waxaana ku dhibtay 76 qof iyada oo 5 qof oo kaliya la sheegay in ay ka badbaadeen.copa

Laakiin kooxaha ree Brazil ayaa keenay qorshe kale oo wax wayn loogu qabanayo kooxda murugaysan ee Chapecoense ee ciyaartoydeedii kooxda kowaad ku wayday shilka diyaaradeed waxayna kooxaha ree Brazil soo jeediyeen in koox kastaaba ay ciyaartoy amaah aan lacag lahayn ay ciyaartoy ku siiyaan kooxda Chapecoense isla markaana maamulka horyaalka Brazil ay ansixiyaan qorshe ayna kooxda Chapecoense heerka hoose udhici karin.1

Xidhiidhka kubbada cagta South America ayaa mamnuucay dhamaan ciyaarihii dhici lahaa waxaana loo baroor diiqayaa mashaqada kubaba cagta aduunka murugada ku abuurtay waxaana la filayaa in la samayn doono qorshe si wayn loogu caawin doono kooxda Chapecoense.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. ali 30-11-2016 at 12:24 am - Reply

    Masiibo ku dhacday kubada cagta weeyaan markaa waxaan soo jeedin lahaa in koobka la siiyo kooxda ciyaartooy la siiyo

Leave A Response