Kooxda Juventus Oo Guul Ka Gaadhay Sassuolo, Cristiano Ronaldo Oo Akoonkiisa Goolasha Juve Laba Gool Ku Furtay & Maalintii CR7 Oo Ugu Dambayn Timid.

Kooxda Juventus ayaa garoonkeeda Allianz Stadium guul kaga gaadhay kooxda Sassuolo oo marti u ahayd, Cristiano Ronaldo oo mudo ka soomanaa goolasha ayaa ugu dambayn qanciyay jamaahiirta kooxdiisa cusub kaddib markii uu noqday geesiga kulankan guusha u horseeday.

Juve oo ka warqabtay dhibaatada soo gaadhay inta badan kooxaha waaweyn ee Serie A toddobaadkan ayaa ka faa’ideysatay dhibcahaas ay lumiyeen kooxahaasi iyaga oo sii joogteeyay guulaha xilli ciyaareedkan ay ku daah furteen.


Shaxihii labada kooxood ee kulankan:

Juventus: Szczesny; De Sciglio, Benatia, Bonucci, Alex Sandro; Khedira, Emre Can, Matuidi; Dybala, Mandzukic, Ronaldo

Sassuolo: Consigli; Lirola, Marlon, Ferrari, Rogerio; Duncan, Locatelli, Bourabia; Berardi, Boateng, Djuricic

Kooxda Juventus ayaa isla bilawgii ciyaartaba muujisay sababta ay u tahay kooxda ugu cad cad ee xilli ciyaareedkii siddeedaad ee xidhiidh ah hanan karta horyaalka dalkaasi ee Serie A waxaana ay durtaba weerar aan kala joogsi lahayn ku qaadeen shabaqa goolhaye Consigli.

Kooxda Sassuolo ayaa iska caabin weyn muujiyay iyaga oo dadaal kasta u galay sidii ay uga difaacan lahaayeen Bianconer balse kaddib dadaalo badan oo ay samaysay kooxda martida ah xiddiga  Lirola ayaa ku dhawaaday inuu si qaldan iskaga dhaliyo kubadda taas oo ku qasabtay in goolhaye Consigli uu badbaadin sameeyo.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aysan labada dhinac wax fursado ah oo badan oo halis ah samayn taas ayaana keentay in wakhtigii nasashada la aado ciyaarta oo maraysa 0-0.

Qaybtii dambe ee ciyaarta, Juve ayaa lasoo gashay dar dar sidii hore ka geddisan iyagoo u muuqday kuwo ay ka go’antahay inay dhaliyaan goolal isla markaana ay jabiyaan is mari waaga kulankan.

WUU SOO LAABTAY: Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambayn helay goolkiisii ugu horreeyay ee kooxda Juventus, Goolkan ayaa ahaa mid uu daafac ka tirsan kooxda Sassuolo si qaldan kooxdiisa uga dhalin gaadhay isagoo birta goolkooda garaacaday balse waxa kaddib markii ay kubaddu kasoo laabatay birta goolka si habsami leh ugu celiyay CR7.

 

Intaa kaddib labada kooxood ayaa sameeyay isku dayo dhawr ah, Kooxda Juve ayaa ku dadaalaysay sidii ay ciyaarta u dili lahayd halka kooxda martida ahayd ay ku rajo weyneyd inay goolka bareejaha la timaado.

WAA MAALINTIISII: Markale Cristiano Ronaldo ayaa awooday inuu shabaqa gaadho daqiiqadii 65-aad ee kulankan waxaana uu markale jawaab cad siiyay shaqsiyaadka shakiga galinayay awoodiisa ciyaareed, Goolkan ayaa ahaa mid uu caawiye ka noqday Emre Can oo suuqii dhawaa qaab xor ah ku yimid kooxda.

Intaa kaddib kooxda tababare Allegri ayaa si buuxda ula wareegtay maamulka kooxda iyagoo hab ciyaareedkoodii u badalay mid kubad hayn ah si ay u dilaan rajada kooxda Sassuolo.

Ugu dambayn, Daiiqadii 90-aad ee ciyaarta ayuu weeraryahanka Sassuolo Khouma Babacar kooxdiisa u dhaliyay goolka kaliya ee ay kulankan ka dhalisay taas oo natiijada kama dambeysta ah ka dhigtay mid 2-1 ah.

 

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. War beeenta naga daaaya c.ronaldo real madrid 442 goal ayuu u dhaliyay waxadn aqoon haso tabinina man united iyo real ba wad qaladeeeen sporting vad saxdeen kaliya oo 3 goal uu udhaliyay

Comments are closed.