Kooxda Chelsea Oo Heshiis Cusub Ku Abaalmarinaysa Xiddig Si Weyn U Anfacay Falsafada Cusub Ee Uu Kooxda Ka Hirgalinayo Tababare Maurizio Sarri.

Kooxda horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa diyaar u ah inay heshiis cusub u gacan galiso mid kamid ah xiddigaha xilli ciyaareedkan cusub qaab ciyaareedka cajiibka ah ku naaloonaya ee sida weyn u anfacay falsafada cusub ee uu tababare Maurizio Sarri ka hirgalinayo kooxda.

David Luiz oo xilli ciyaareedkii hore imbadan ka maqnaa kooxda sababtoo ah inuu xidhiidh aan la mahadin la lahaa tababarihii wakhtigaas ee Antonio Conte ayaa haatan soo jiitay Sarri oo dhawr jeer hore u amaanay qaab ciyaareedka xiddigan.

 

31 jirkan ree Brazil ayuu dhammaadka xilli ciyaareedkan ka dhacayaa qandaraaska uu ku joogo kooxda ree London iyadoo Blues ay doonayso inay heshiis cusub oo mudo kusii haya kooxda ku abaalmarso.

Sababta ugu weyn ee kooxda ku qasbaysa inay daafacan usoo bandhigto heshiis cusub ayaa ah inuu kamid noqday xiddigaha furaha u ah kooxda tan iyo imaatinkii Sarri isla markaana uu door weyn ku leeyahay hanaanka kubad haynta ee tababaraha ree Talyaani ka hirgalinayo kooxda.

Wada xaajoodka ayaa la filayaa inuu sida ugu dhakhsaha badan u blaabmi doono waxaana la filayaa in heshiis la isla meel dhig doono kahor bisha January markaas oo uu xiddigu dookh u leeyahay inuu kooxaha kale la xaajoodo haddii aan wax qandaraas ah laga saxeexin.

David ayaa sanadkii 2011 kusoo biiray Chelsea kahor intii uuna saddex sano iyo badh kuulo ah kaddib ku biirin Paris Saint-Germain, Kooxda ayaa markale u aragtay mid muhiim ah waxaana ay dib ugula soo saxeexatay 32 Milyan oo ahayd mid 12 Milyan ka yar qiimihii uu ugu biiray PSG.