Kooxda Barcelona Oo Rumayn Karta Heshiiska Ay Ku Doonayso Saxeexa Xiddiga Atletico Madrd Ee Saul Niguez Xilli La Ogaaday Sababta Kaliya Ee U Fududayn Karta Saxeexiisa.

Kooxda Barcelona ayaa suuqii xagaagan kala saxeexatay xiddigo badan balse waxa ay wali u muuqdaan kuwo aan baahi bixin iyaga oo haatana diirada ku haya saxeexa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Saul Niguez oo kaliya hal shardi ka hortaagan yahay saxeexiisa.

Barcelon ayaan kali ku ahayn kooxaha lala xidhiidhinayo xiddigan ree Spain tan iyo markii uu kasoo hilaacay kooxda Atletico Madrid balse waxa uu sidoo kale xiiso ka helayaa kooxaha ree Manchester ee United iyo City.

Shabakada ree Spain ee Ok Diario oo ah mid wax badan kala socota dhaq dhaqaaqa suuqa kala iibsga ee kooxaha dalkaasi ayaa sheegtay in sababta kaliya ee Barca kahor taagan saxeexa Saul ay tahay inay marka hore bixiso lacagaha xiddigan lagu heli karo.

Atletico Madrid ayaa kahor tagtay in xiddigani su fudud kaga baxo kooxdeeda iyada oo dhawaan ka saxeexatay qandaraas lagu jabin karo 134 Milyan taas oo ah arrinta kaliya ee sheekadan ku adkayn karta kooxaha saxeexiisa ku raadjooga oo ay ugu horreyso Blaugrana.

Ok Diario ayaa intaas ku daraysa inaysan jirin wax Barca kahor istaagi kara saxeexa Saul Niguez haddii ay go’aan ku gaadho inay bixiso qiimaha waalida ah ee uu suuqa ku joogo xiddigan wacdaraha kasoo dhigay kulamadii UEFA Nations League.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda tababare Ernesto Valverde ayaa wali suuqa ugu jirta badalka rasmiga ah ee kabtankeedii Andres Iniesta oo dhawaan kooxda ka baxay waxaana kamid ah xiddigaha kale ee ay bar-tilmaameedsanayso Paul Pogba, Frankie De Jong iyo Adrien Rabiot.