Kooxd Ree Germany Ah Oo Champions Leaque-ga Ku Jirta Oo Magaceeda Badashay Si Ay Jamaahiirta Kooxda Ka Soo Horjeeda Ay Magaceeda Ugu Sahasho

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Oct 19, 2016

Kooxda ree Germany ee Borussia Monchengladbach ayaa magaca kooxdeeda badashay si ay jamaahiirta kooxda Celtic ugu sahasho in ay magaceeda si sahlan ugu dhawaaqi karaan. Xaqiiqdii magaca  Borussia Monchengladbach ayaa ah mid dad badan ku adag in ay ku dhawaaqaan, waxaana suurtogal ah in adiga warbixintan akhriyayaa ay kugu adag tahay in aad ku dhawaaqdo qaybta ‘Monchengladbach’, waxayna barta twiterkeeda u badashay magaca ‘A German Team’.borussia-monchengladbach

Dadka ayaa marka ay ku dhibtoodaan magaca Monchengladbach, waxay inta badan isticmaalaan isaga oo la soo gaabiyay oo ah ‘Gladbach’ laakiin jamaahiirta kooxda Celtic ayaa si ay ugu sahlanaato magaca kooxda ay ka hor imanayaan waxay adeegsan doonaan  ‘A German Team’ halkii ay magaca dheer Borussia Monchengladbach u deegsan lahayeen kooxdan.

Kooxda baraha bulshada u qaabisan kooxda Borussia Monchengladbach ayaa kulanka Borussia Park si ku meel gaadh ah u badalay baraha bulshada kooxdan iyada oo kooxda ree Scotland ee Celtic loo sahlay magaca ay isticmaali doonaan.

Like it? Share it!

4 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Sulley 19-10-2016 at 9:39 pm - Reply

    Ma adka magacu xataa hadaa la dhibtootay si fudud aan kuu sheego :
    Borrussia ma adka oo waa fudayd.
    Qaybta labaad u kala qaad laba erey oo ah : Monchen iyo gladbach. dabadeeed isku dar.

  2. Dalmar 19-10-2016 at 9:35 pm - Reply

    War magaca inta danbe waa( munshin galad baaq )
    Thank you

  3. mohamedchelsea 19-10-2016 at 8:50 pm - Reply

    kkkkkkkkkkkk walaahay aniguuba igu adagyahay inta danbe maba akhriyo anigu

  4. ABDIKADAR MOHAMED OMAR 19-10-2016 at 8:22 pm - Reply

    aragtideydu waxey tahay cawa in laxasuuqi doona manchester city ee champion lEAGUE DHICI DOONA CAWA WEYNA WADA DHANYIHIN MSN

Leave A Response