Kooxaha Waaweyn Ee Premier League-ga Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Xidiga Kooxda Napoli Ee Dries Mertens Iyada Oo Tottenham Tartankan Kula Biirtay Man United Iyo Chelsea

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Apr 19, 2017

Maamulka kooxda Tottenham Hotspur ayaa waxay qeyb ka soo noqdeen dagaalanka loogu jiro saxiixa xidiga reer Belgiam iyo kooxda Napoli Dries Mertens, kaasoo ka mid ah xidigaha loogu hadal heynta badan yahay xili ciyareedkan suuqa xagaaga ee soo aadan.

29 jirkan ka tirsan kooxda Napoli ayaa qaadanaya waayo wanaagsan xili ciyaareedkan 2016/2017, kadib markii uu shabaqa soo taabtay 27 jeer, 21 ka mid ah uu ka dhaliyay kulamada horyaalka Serie A ee dalka talyaaniga, taasoo ku qasabtay in kooxaha waaweyn ee qaarada yurub gaar ahaan kuwa dalka England ay si weyn u doonaan saxiixiisa.

Hadaba shabakada caanka ah ee reer England “Sky Sports” ayaa shaaca ka qaaday in kooxda reer England ee Tottenham Hotspur ay si xoogan ugu soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Dries Mertens, kadib xiisihii kooxaha Manchester United iyo Chelsea ay ka muujiyeen soo qaadashadiisa, kuwaasoo qorshohoodu yahay in lacago fara badan ay ku bixiyaan saxiixa xidiga  reer Belgiam.

Laakiis waxaa ra’ayi ka duwan kuwa kooxaha Tottenham Hotspur, Manchester United iyo Chelsea qaba maamulka kooxda Napoli oo iyaga si weyn u doonayo in laacibkan ay ku sii hayaan kooxda, wuxuuna qorshohoodu yahay in sara ay u sii qaadaan mushaarkiisa sanadlaha ah, kaasoo xili ciyaareekii uu kaga qaadan doono aduun gaadhsiisan 5 million euros.