Kooxaha Juventus,Liverpool Iyo Arsenal Oo Saf Ugu Jira Saxiixa Da’ayarka Reer Spain Iyo Kooxda Real Madrid Ee Marco Asensio

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jun 19, 2017

Real Madrid ayaa wuxuu dalabyo kala duwan ee dhoowr ah kaga yimid laacibkooda da’ada yar ee reer Spain Marco Asensio, xili ay jirto cabsi ku aadan laacibkan ee ah in xili ciyaareedka soo aadan uu markale gali doono xabsiga kursiga keydka ee tababare Zinedine Zidane.

Marco Asensio ayaa wuxuu ka caawiyay kooxda Real Madrid xili ciyaareedkii lasoo dhaafay inay kuwada guuleysato koobka La Ligaha oo ay ugu dambeysay tan iyo sanadii 2012 iyo Champions League-ga oo sanadii labaad oo xidhiidh ay Los Blancos difaacatay, wuxuuna sidoo kale xidigan dhaliyay kulankii finalka ee Juventus goolkii 4aad.

Wargeyska Daily Star ayaa wuxuu tilmaamay in maamulka Real Madrid uu soo gaadhay dalabyo kala duwan oo kaga yimid  kooxaha Juventus, Liverpool iyo Arsenal ee ku aadan saxiixa Marco Asensio, laakiin laacibkan ayaan kaga bixi doonin safka Real Madrid ilaa iyo uu kaga soo muuqdo maaliyada kooxda cad cadka daqiiqadaha ugu yar, taasoo ka hor istaageysa inuu sii hor mariyo awoodiisa ciyaareed.

Si kastaba Marco Asensio ayaa wuxuu xiiseenayaa in safka kooxda Zinedine Zidane uu ka xili mustaqbalka boos joogta ah, si uu u ogolaado sii joogi taankiisa garoonka Santiago Bernabeu.

Kiiskan cusub ee Cristiano Ronaldo iyo inuu ka baxayo safka kooxda Real Madrid ayaa waxay fursad weyn u tahay da’ayarka reer Spain ee  Marco Asensio, si ay damaanad ugu noqoto booskiisa joogtada ah ee kooxda Los Blancos.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments