Kooxaha Barcelona & Juventus Oo Barbaro Gool La’aan Ah Ku Galay Camp Nou, Riyadii Saddexda Koob Ee Balaugrana Oo Soo Dhamaatay Iyo Juventus Oo Iska Xaadirisay Afar Dhamaadka Champions Leaque-ga.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Kooxda Juventus ayaa u soo baxday afar dhamaadka Champions Leaque-ga kadib markii ay barbaro gool la’aan ah Camp Nou kula soo gashay Barcelona. Kooxda Luis Enrique ayaa markan awoodi wayday in ay wax guul ah ka gaadho Juventus waxayna macasalaamaysay tartanka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga.

Allegri iyo kooxdiisa Old Lady ayaa awooday in ay si adag Barcelona iskaga ilaaliyaan kulan ay kooxda Balaugrana wax kasta u samaysay in ay shabaqa Juventus gaadho, laakiin Barcelona ayaa 180 daqiiqo oo ay Juventus la ciyaartay awoodi wayday in ay hal gool ka dhaliso. Juventus ayaa xili ciyaareedkan oo idil laga soo dhaliyay 2 oo Champions Leaque-ga ah waxayna awooday in ay aamusiiso Barcelona oo Camp Nou marti loogu ahaa.

Juventus ayaa afar dhamaadka Champions Leaque-ga kula biirtay kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid iyo AS Monaco waxayna Juventus si geesinimo leh uga soo badbaaday imtixaankii Camp Nou ee PSG ku hoobatay. Riyadii saddexda koob ee Balaugrana ayaa si rasmi ah u soo dhamaatay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BARCELONA (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Busquets, Rakitic, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar.

KAYDKA: Cillessen, Mascherano, Alena, Digne, D. Suarez, Gomes, Alcacer.

JUVENTUS:  (4-2-3-1): Buffon; Dani Alves, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Khedira, Pjanic; Cuadrado, Dybala, Mandzukic; Higuain.

KAYDKA:: Neto, Lichtsteiner, Benatia, Barzagli, Asamoah, Lemina, Rincon.

Barcelona ayaa haystay 90 daqiiqo oo kaliya oo dhinaca kale ugu dhigi kartay natiijadii 3:0 ahayd ee Juventus ka soo gaadhay kulankii lugtii hore laakiin tababare Allegri ayaa muujiyay geesinimo wuxuuna ku dhiiraday in uu la soo shirtago shax la mid ah shaxdii uu guusha ku soo gaadhay balse waxa kaliya ee uu sameeyay ayaa ahaa in uu qorshihiisa u badiyay difaacasho markasta oo ay Barcelona kubbada lugta ku hayso.

Tababare Luis Enrique ayaa kulankan ku soo galay shaxda 4-3-3 isaga oo Jordi Alba iyo Sergi Robero doonayay in uu ku joojiyo weerarka deg dega ah ee ay Juventus baalaha weerarka ka soo qaadaysay. Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahaa mid adag isla markaana ay labada kooxood ku soo bandhigeen ciyaar adag oo qaladaadku ku badan yahay balse uu garsooruhu doonayay in ay ciyaartu iska socoto inta ugu badan.

Barcelona ayaa markiiba hayd kooxda weerarka buuxa ku jirtay sidii la filayay laakiin qorshaha Juventus ayaa ahaa mid cajiib ah iyada oo difaacasho buuxda ku jirtay balse weerarka deg dega ah ee ay Cuadrado, Dybala iyo Mandzukic ay qaadayeen ayaa markale walwal ku hayay kooxda Luis Enrique.

DAQIIQADII 16 AAD Cuadrado ayaa goolka Barcelona kula soo baxya kubbad halis ah laakiin Pique ayaa awooday kaliya in uu kubbada ku joojiyo xerada ganaaxa Barcelona laakiin weerarkii rogaal celiska ahaa ee ay Barcelona isla kubadan ku qaaday ayuu Rakitic darbo fiican ku tuuray goolka Juve laakiin darbadiisa ayaa birta dulmartay.

DAQIIQADII 20 AAD Lionel Messi ayaa helay fursad laayableh oo uu ugu dhawaaday in uu ku furo albaabka gool dhalinta Barcelona kadib markii ay difaaca Juventus kubbada isku qaldeen laakiin darbo uu tuuray xidiga ree Argentina oo gool loo qaaday ayaa birtu halka ay dhulka kaga taal wax yar u martay iyada oo waliba Buffon aanu isdhaqaajin.

DAQIIQADII 32 AAD ugu danbayn Buffon ayaa sameeyay badbaadin waxaana darbo xoogan goolka Juve ku tuuray Lionel Messi taas oo goolhaye Buffon ku qasabtay in uu kubbada dirqi ku joojiyo laakiin Messi oo kubbada sii raacay ayaa darbo labaad isku dayay in uu goolka ku dhaliyo balse waxa uu toogtay shabaqa dibada.

DAQIIQADII 38 AAD Juventus ayaa abuurtay fursad halis wayn galisay Barcelona isla markaana gilgishay quluubta jamaahiirta Balaugna kadib markii uu Pjanic kubbad ilaa ah la ciyaaray Higuian kaas oo taabasho qurux badan ku bartilmaameedsaday goolka Barca laakiin goolhaye Ter Stegen ayaa awooday in uu kubbada qabsado.

Ciyaarta ayaa sii adkaatay waxayna noqotay mid mararka qaar ay ciyaartoyda labada kooxood ku dhawaanayen in ay isku dhacaan. Andres Iniesta iyo Neymar ayaa daqiiqadihii 41 iyo 44 aad kaadhka digniin ah loo taagay kadib markii ay sii socdeen qaladaad badan oo ay labada kooxood galayeen.

Barcelona ayaa marka uu waqtigu socdaba culays sii dareemaysay halka Juventus oo weerar badan lagu hayay ay farxad wayn u ahayd in ay Barcelona si fiican iskaga difaacaysay. Wax kasta oo ay labada kooxood sameeyeen waxay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay babraro gool la’aan ah waxaana ilaa hadda tubta guusha ku taagnayd Juventus.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Barcelona doonaysay in ay awoodeeda iskugu gayso sidii ay goolasha looga baahnaa ula iman lahayd laakiin waxaa horjoogtay koox nidaamsan isla markaana xaalada ku sii xumaynaysay kooxda Enrique.

DAQIIQADII 49 AAD Juventus ayaa heshay fursad ay Barcelona ku niyadjabin kartay kadib markii uu Cuadrado helay fursad uu goolka Barca u furnaa laakiin darbo uu sameeyay oo gool loo fishay ayaa birta wax yar u martay, Alla maxay Barcelona markan sigatay.

Lionel Messi ayaa la soo baxay qaab ciyaareed cajiib ah laakiin waxaa ahayd waxaan loo baran fursado cajiib ah oo aanu goolalku dhalin waxayna markan Barcelona bilawday in ay weerarkeeda sii laba jibaarto iyada oo Enrique uu weerarkiisa ku soo xoojiyay Acacer wuxuuna ciyaarta ka saaray Rakitic.

Barcelona ayaa abuuraysay fursado tiro badan laakiin qaabka ay Juventus fursad kasta oo gool lagu dhalin karayay ayay ciyaartoyda Juventus iska saarayeen kubbada waxayna kooxda Allegri muujisay sababta ay u tahay kooxda xili ciyaareedkan ugu difaaca fiican Champions Leaque-ga iyada oo 2 gool oo kaliya laga soo dhaliyay, laakiin sidoo kale Barcelona ayay nasiib xumo wayn u ahayd in ay iska qasaarisay fursado badan. Juventus ayaa sidoo kale fursado fiican ku abuuraysay weeraro deg deg ah oo halis wayn ahaa.

DAQIIQADII 80 AAD Barcelona ayaa markale ugu dhawaatay in ay goolka inkaarta ku noqtay ee furitaanka kadib markii uu Neymar kubbad ku soo tuuray goolka Juventus isla markaana uu  Mascherano kubabda isku soo tuuray laakiin Buffon ayaa awooday in uu kubbada dirqi iskaga joojiyo.

DAQIIQADII 82 AAD Cuadrado ayaa ciyaarta hurdada u diri karay kadib markii ay Old Lady soo qaaday  laakiin kubbada uu siin karayay Mandzukic ayuu kooxdiisa ka lumiyay. Waxaa la soo gaadhay dhamadkii ciyaarta laakiin makan Juventus ayaa xaqiiqjisatay in Barcelona ayna goolashan keensan karin waxayna bilawday in ay kubbada la qabsato iyada oo Lemina uu si fiican u garaacay Iniesta laakiin kubbada uu gool ku dhalin karyay ayaa koorne u baxday.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah waxaana socon wayday mucjisadii Camp Nou iyada oo ugu danbayn Barcelona awoodi wayday in ay kulankii 16 aad oo xidhiidh ah ay Camp Nou guul ku gaadho. Juventus ayaa sidaa ugu soo baxday afar dhamaadka UEFA Champions Leaque-ga iyada oo kula biirtay kooxa Real Madrid, Atletico Madrid iyo AS Monaco.