Kharashaadkii Ay Kooxaha Premier League & La Liga Ciyaartoyda Kula Kala Wareegeen Oo La Isbar-Bardhigay Iyo Horyaalka Lacagta Badan Bixiyay.

Sida iska cad waxa uu farqi weyni u dhaxeeya qaabka ay kooxaha horyaalada Premier League iyo La Liga uga dhex muuqdaan xilli suuq kasta, Kooxaha Premier League ayaa ah kuwo markasta suuqa ku muujiya qaninimadooda iyo sida ay hodanka u yihiin halka kooxaha La Liga ay qudhoodu kharashaad badan bixiyaan walow ay wali ka hooseeyan kuwa EPL.

Kharashaadka kooxaha Ingiriiska ayaa ah mid si waali ah usii kordhaya, Tusaale ahaan kooxda Fulham oo sanadkan uun kasoo dalacday heerka labaad ayaa suuqa ku bixisay aduun dhan 117 Milyan iyadoo noqotay kooxdii labaad ee kharashka ugu badan is galisay kaddib Liverpool oo 182 Milyan ku bixisay suuqa.

Haddaba waxa is bar-bardhig lagu sameeyay qaabkii ay kooxaha Premier League iyo La Liga xiddigaha u kala qaateen iyo kharashaadkii ay ku bixiyeen xiddigihii ay la kala wareegeen kahor intii uusan suuqa kala iibsigu ka xidhmin kooxaha Ingiriiska.

Waxa jiray 16 xiddig oo si rasmi ah uga soo hayaamay La Liga isla markaana kusoo biiray Premier League waxaa tiradaas dheer labada xiddig ee Deulofeu iyo Diego Jota oo markii hore amaah ku joogay horyaalka Ingiriiska isla markaana heshiis joogto ah la gaadhay kooxahoodii.

Guud ahaan kooxaha Premier League ayaa saxeexyada ay kala soo wareegeen dhigooda La Liga ku bixiyay lacag dhan  218,700,000 million euros, Goolhayaha dunida ugu qaalisan ee Kepa Arrizabalaga ayaa ah saxeexa ugu lacagta badnaa ee labada horyaal u kala wareega, Si lamid ah Everton ayaa 52 Milyan ku bixisay saddexleyda Yerry Mina, Digne iyo Andre Gomes oo ay dhammaantood Barcelona kala soo wareegtay.

Dhinaca kale, Horyaalka La Liga ayaa 12 xiddig ka helay EPL iyadoo sagaal kamid ah xiddigahasi ay yihiin kuwo Bilaash ah iyo kuwo Amaah ku aaday halka saddexda xiddiga ee kala ah Thibaut Courtois (35 Milyan), Ramiro Funes Mori (9 Milyan) iyo Mikel Merino (12 Milyan) ay yihiin xiddigaha kaliya ee kharaash ku aaday La Liga ee ka tagay Premier League.