Khabiirka Sky Sports Phil Thompson Oo Doortay Shaxda Isku Dhafka Kulanka Liverpool vs Tottenham – Firmino & Dele Alli Oo Boos Ka Waayay.

Khabiirka Sky Sports Phil Thompson ayaa soo doortay shaxda isku dhafka ah kulanka galabta ka dhex-qarxi doona kooxaha Tottenham Hotspur iyo Liverpool, balse waxaa cajiib ah in laga waayo dhawr xiddig oo ay ka mid yahiin Allison Becker, Roberto Firmino iyo Dele Alli.

Inkastoo Allison uu imaatinkiisa Ingiriiska dhibaato la kulmin kaliyana hal gool laga dhaliyay afar kulan uu ciyaaray hadana waxaa shaxdaan kusoo baxay goolhaye Hugo Lloris kaas oo loo tixgeliyo inuu ka mid yahay liiska goolhayeyaasha ugu fiican.

Phil wuxuu ku doodayaa in Allison ay waqti hore u tahay joogitaankiisa, lagana yaabo lix bilood kadib inuu soo galo booskaan, waxaan aragnay ayuu leeyahay qaladaadkiisii kulamada qaar, sidaas darteed waa inaan wax badan sugnaa si aan u aragno waxa kasoo socda.

Dhanka daafaca wuxuu doortay shax isku dheelitiran maadaama uu labada kooxood kasoo qaatay min laba xiddig Jan Vertonghen iyo Kieran Trippier ayuu kasoo qaatay dhanka Spurs, halka Liverpool uu kasoo qaatay Virgil van Dijk iyo sidoo kale Andrew Robertson.

Dhanka kale Thompson wuxuu ku adkeystay inu Eric Dier ka doortay Jordan Henderson, sidoo kalana uu shuruud la’aan u doortay Naby Keita iyo sidoo kale Christian Eriksen, mowduuca weerarka wuxuu aaminsan yahay inuusan boos u heleynin Dele Alli, isla markaana uu Sadio Mane, Salah iyo Kane kaliya ka xulan karo.

Roberto Firmino wuxuu ku sheegay inuusan fasalkaan u muuqan mid aad u wanaagsan, sidaas darteed ay tahay inuu kasoo tago.