Khabiirka Sky Sports Oo Saadaaliyay Kulamada Isbuuca Ugu Danbeeya Xilli Ciyaareedka Premier League – Ayuu U Saadaaliyay Inay Champions League U Soo Baxayaan Liverpool Mise Arsenal?

by Saed Balaleti | Thursday, May 18, 2017

Chelsea ayaa gacanta ku dhig doonta koobka horyaalka Premier League oo lagu gudoonsiin doona Stamford Bridge isbuuca soo socda, halka Sunderland, Middlesbrough iyo Hull ay macsalaameyn doonaan horyaalka heerka koowaad iyagoo isku diyaarinaya Championship.

Laakiin waxaa si dhow kulamada lagu soo xirayo horyaalka loola socon doonaa kooxda xaqiijisan doonta booska loogu soo baxay Champions League, haddii ay ahaan laheyd Man City, Liverpool iyo Arsenal.

Hadaba khabiirka Sky Sports Paul Merson ayaa saadaaliyay kulamada la ciyaarayo Axada ee lagu soo xirayo xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ee 2016-17.

Paul Merson oo u soo ciyaaray kooxda Arsenal ayaa saadaashiisa isbuuca ugu danbeeya xilli ciyaareedka Premier League waxa ay ka dhigeysaa in Man City iyo Liverpool ay ku soo kala bixi doonaan kaalimaha seddexaad iyo afaraad iyadoo Arsenal ay ku dhameysan doonto sida uu sadaaliyay kaalinta 5aad.

Liverpool u baahan inay guul ka gaarto kooxda heerka labaad u dhacday Middlesbrough si ay u xaqiijistaan booskooda Champions League ayuu Merson saadaaliyay inay ku badin doonaan 2-0.

Halka Man City oo u baahan inay guul ka gaarto Watford si ay u xaqiijisato kaalinta seddexaad uu u saadaaliyay inay ku soo badin doonaan 3-0. Inkastoo uu guul 3-1 ah u saadaaliyay kooxdiisa Arsenal kulanka ay la ciyaarayaan Everton hadana natiijadaasi micno uma lahaan doonto Gunners haddii Liverpool & Man City ay badiyaan.

Chelsea oo kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka ku dheelaya Stamford Bridge islamarkaana soo dhaweynaya kooxda heerka labaad u dhacday ee Sunderland ayuu Merson u saadaaliyay inay ku badinayaan 4-0 oo ay ugu dabaaldegayaan hanashada horyaalka.

Man United oo ay hubaal tahay inay kaalinta lixaad ku dhameysan doonaan wax walba oo ay natiijadooda noqoto ayaa martigelin doonta Crystal Palace kulanka ugu danbeeya xilli ciyaareedka, waxaana Merson uu saadaaliyay in kooxda Jose Mourinho ay ku badin doonto 3-2.

SAADAASHA PAUL MERSON EE ISBUUCA UGU DANBEEYA XILLI CIYAAREEDKA PREMIER LEAGUE:

Liverpool 2-0 Middlesbrough

Watford 0-3 Man City

Arsenal 3-1 Everton

Chelsea 4-0 Sunderland

Man United 3-2 Crystal Palace

Burnley 2-0 West Ham

Hull 0-3 Tottenham

Leicester 2-2 Bournemouth

Southampton 3-1 Stoke City

Swansea 2-1 West Brom

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments