Khabiirka Sky Sports Ee Paul Merson Oo Saadaaliyay Kulamada Premier Leaque-ga & FA Cupka Ee Todobaadkan, Muxuu Ku Saadaaliyay Arsenal Vs Man City ?

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Khabiirka kubbada cagta Sky Sports ee Paul Merson ayaa sidii xili ciyaareedka oo dhan looga bartay saadaaliyay kulamada Premier Leaque-ga iyo FA Cupka ee todobaadkan sabtida ka bilaabanaya la ciyaari doono. Paul Merson ayaa saadaaliyay dhamaan kulamada Premier Leaque-ga iyo FA Cupka.

Waxaa jiri doona kulamo aad muhiim u ah oo la ciyaari doono kuwaas oo ka tirsan afar dhamaadka FA Cupka iyada oo kooxaha Manchester City iyo Arsenal ay Wembley Stadium isku arki doonaan waxaana sidoo kale kulan London Derby ah isla markaana FAC upka ka tirsan isla Wembley Stadium ku ciyaari doona kooxaha Chelsea iyo Tottenham.

SAADAASHA PAUL MERSON EE KULAMADA PREMIER LEAQUE-GA:

Paul Merson ayaa Manchester United u saadaaliyay in ay 2:1 ku soo garaaci doonto Burnley wuxuuna sidoo kale saadaaliyay in Liverpool ay 3:2 ku soo dhaafi doonto kooxda Crystal Palace oo Anfield ku soo booqanaysa.

Burnley 1-2 Man Utd

Liverpool 3-2 Crystal Palace

Hull 3-1 Watford

Swansea 2-1 Stoke

Bournemouth 3-1 Middlesbrough

West Ham 1-1 Everton

SAADAASHA PAUL MERSON EE KULAMADA FA CUPKA:

Dhinaca kale Paul Merson ayaa guul u saadaaliyay Chelsea wuxuuna sheegay in ay ka soo kabsan doonaan guuldaradii Man United ka soo gaadhay isla markaana ay kooxda Antonio Conte u soo bixi doonto finalka FA Cupka wuxuuna sidoo kale guul wayn u saadaaliyay Manchester City oo uu iyada xusay in ay Chelsea kula midoobi doono finalka FA Cupka.

Chelsea 2-1 Tottenham

Arsenal 1-3 Man City