Khabiirka Ree France Ee Fred Hermel Oo Tilmaamay Sababta Dhabta Ah Ee Real Madrid Ku Qasabtay Inay Iskaga Hadho Saxeexa Xiddiga Kooxda Chelsea Ee Eden Hazard.

Khabiirka caanka ah ee ree France ee Fred Hermel ayaa tilmaamay sababta dhabta ah ee kooxda Real Madrid ku qasabtay inay iskaga hadho saxeexa garabka kooxda Chelsea ee Eden Hazard oo ay inbadan xiiso u muujisay gudaha xagaagan.

Real Madrid ayuu suuqa xagaagani u yahay mid musiibo ah maadaama oo ay lumisay xiddigii safkeeda ugu muhiimsanaa ee Cristiano Ronaldo isla markaana ay ku hungowday inay badalkiisa keensato iyadoo suuqa kala iibsiga ee qaarada Yurub ay ka hadhsan yihiin maalmo koobani.

Haddaba, Khabiir Fred Hermel ayaa sheegay in Real Madrid ay lakulmi kari weyday qiimaha ay Chelsea dul dhigtay xiddigeeda ee ah 220 Milyan khabiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez uu kaliya qiimahaas ku bixin karo xiddigaha Paris Saint-Germain ee Neymar JR iyo Kylian Mbappe oo uu u arko inay u qalmaan.

Hermel ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxa jiray ciyaartoy si dhab ah looga jeclaa Real Madrid, Waa Eden Hazard laakiin Chelsea waxay dalbatay 220 Milyan oo Yuuro, Marka loo eego hoggaamiyayasha Madrid waxa jira kaliya laba xiddig oo lagu bixin karo qiimaha sidaas u qaaliga ah waa Neymar iyo Kylian Mbappé”

“Wax kasta ayay u sameeyeen si ay u helaan Neymar, Laakiin ciyaartoygu ma doonayo inuu dhibaateeyo hoggaamiyayasha Paris Saint-Germain sidoo kale Florentino Perez waxa uu xidhiidh dhaw la leeyahay  Nasser Al-Khelaifi mana doonayo inuu wax qasbid ah ku sameeyo”

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda Real Madrid ayaan wali wax saxeex ah oo weyn ka samayn suuqa kala iibsiga tababaraha kooxda ee Julen Lopetegui ayaana ku adkaysanay inuu ku kalsoon yahay xiddigaha uu haatanba kooxda ku haysto.