Karim Benzema Oo U Jawaabay Madaxweynaha Xiriirka K/Cagta France: Iska Key Ilow Mudane

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa caado u noqotay inuu had iyo jeer iska difaaco eedeymaha uga imaanaya madaxda xiriirka kubada cagta Farnce, markaana waxa uu u jawaabay madaxweynaha xiriirka kubada cagta France Noel Le Graet.

Le Graet ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in waqtigii Karim Benzema ee xulka qaranka Faransiiska inuu soo dhamaaday oo uusan weeraryahanka Real Madrid mar danbe xiran doonin maaliyada xulka Les Bleus.

Madaxweynaha xiriirka kibada cagta France La Graet ayaa yiri: “Ma jirto xumaan aan u qabo Karim, mar walba si fiican ayuu u dhaqmaayay inta uu xulka joogay, laakiin waxaan qabaa in waqtigiisii xulka uu soo dhamaaday.”

Karim Benzma ayaana Twitter uga jawaabay hadalka La Graet isagoo ka codsaday inuu arintiisa iska ilaawo oo uu diirada saaro xulka France ee Koobka Adduunka ku guuleystay.

“Mudane Le Graet, waxaan ku weydiisanayaa inaad iska key ilowdo oo aad faraha iga qaado. France waa xulka heysta Koobka Adduunka waana taas mida ugu muhiimsan inta kale wax micno ah la malahan, mahadsanid”

Benzema ayaa sidoo kale la wadaagay taageerayaashiisa Twitter qoraal uu qoray wakiilkiisii hore kaasoo yiri: “Noel waxaad hore u soo gabagabeysay waayihii Benzema ee ciyaaraha caalamiga waa adigii shaaciyay bishii Juun, haatan mar kale ayaad shaacineysaa, waa maxay sababta? Ma waxaad dareemeysaa inay qaladkaaga tahay? U qor FIFA inuu xul kale u ciyaari karo si aad u aragto haddii ay ka dhamaatay.” ayuu yiri.