Karim Benzema Oo Dib isaga Weeraray Madaxweynaha Dalkiisa Franace Ee Hollande

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Oct 19, 2016

Karim Benzema ayeeysan waqti badna ku qaadan inuu dib isaga weeraro madaxweynaha dalka Fance ninka lagu magaaco François Hollande oo dhaleeceyn ugu soo jeediyay xidiga Real Madrid buugiisa uu ugu magac daray “Un Président ne devrait dire ça (Madaxweyne ma aheyn inuu sidaa dhaho), kaasoo todobaadkii h--e ka soo baxay dalkaFrance.

Bugaan ayaa noqday mid muran badan dhaliya (Si lamid ah wareysigii uu Benzema dhawaan siiyay Marca)  wuxuuna Hollande buugiisa ku qoray “Bi badenzema” oo uu uleedajay “Benzema ma aha tusaale caqli gal ah” wuxuuna madaxweynahaan wadar ahaan u weeraray ciyaartooyda kubada cagta.

Hollande ayaa ciyaartooyda caalamka ku tilmamay “Caruur si xun oo jaahilnimo ah loo barbaariyay oo isku badalay xidigo qani ah”.

Ciyaartii xalay kadib, Benzema ayaa dib isaga weeraray madaxweynaha France wuxuuna yiri “Maxaad iga dooneysaan inaan dhaho ? Ma ahi hogaamiye ee waxaan ahay ciyaartooy, waxaan ugu raaxeeya dadka daawashada ciyaarta, si wanaagsan ayaana ay ii soo barbaariyeen waalidkey” ayaa lagu daabacay Le Parisien.

Karim Benzema in action against Legia last night.

Benzema ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay ku soo laabashadiida xulka qaranka France kadib markii xulka looga saaray dacwada ka dhexeysa isaga iyo Valbuena Wuxuuna yiri ” Xulka qaranka ? Waan arki doonaa, ma jirto wax aan ka dhihi karo hada midaas, waa inaan xaqiijiyo inaan si fiican ugu ciyaaro kooxdeyda, waxaan rajeynayaa in xulka la iiga waco laakin hada tas kama walwalsani laakin aniga wa aii muhiim inaan ku laabto una ciyaaro qaranka France”.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Sulley 19-10-2016 at 9:28 pm - Reply

    Nin rageedka day allaylehe wuu iska riday . Madaxwene ciyaartoyda la ficiltama xagee lagu hayaa Caalamka.
    Kooda wax beelaa la arkaa waayo Giroud bay aaminsanaayeen laakiin Final waxa geeyay Griezmann .
    Benzema iyo Griezmann haday is heli laayeen waa la yaabi lahaa.

Leave A Response