Kadib Markii Ay Barcelona Saxaafada U Soo Bandhigtay Athur Melo, Xidiga Ree Brazil Oo Ka Hadlay Isbarbar Dhiga Lagu Sameeyay Isaga, Xavi Hernandez Iyo Andres Iniesta.

Kooxda Barcelona ayaa maanta si rasmi ah saxaafada ugu soo bandhigtay saxiixa cusub ee Athur Melo wuxuuna ka hadlay dareenkiisa iyo sida ay Barcelona u ahayd kooxda riyadiisa ahayd wuxuuna sidoo kale ka hadlay ka hadlay isbarbar dhiga lagu sameeyay isaga, Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta.

Ugu horayn Athur Melo oo dareenkiisa ku soo biirista Barcelona ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan joogo, markasta riyadayda ayay ahayd tan iyo markii aan carruurta ahaa si aan ugu soo biiro Barcelona, sidaa daraadeed, waa maalin muhiim ah”.

Laakiin Athur Melo ayaa iska diiday in uu yahay Xavi ama Iniesta laakiin waxa uu ku dooday in isbarbar dhiga lagu sameeyay xidigahan ay wax fantastik ah tahay wuxuuna yidhi: “Anigu ma ihi Xavi iyo Iniesta midkoodna,waxaan ahay Arthur. Kaliya barbar dhigista naftayada ee labadaas ciyaartoy waa fantastik. Anigu ma qarsan karo samirka aan iyaga u hayo markastana waan la dhacsanaa iyaga”.

Athur Melo oo ka sii hadalaya Iniesta iyo Xavi ayaa yidhi: “Iyagu waa isku mid laakiin idiinma sheegi karo mid aan astaamaha ugu badan wadaagno. Waxaa waajib igu ah in aan qof kasta ku qanciyo sababta aan halkan u joogo”.

Athur oo ka hadlaya waayihiisa cusub ee Barca ayaa yidhi: “Waxaan ku raaxaysan doonaa in aan ku raaxaysto ka garab ciyaarista ciyaartoyda waa wayn waxaanan mari doonaa waqtiyo adag laakiin waxaan isku dayi doonaa in aan iyaga wax ka barto”.

Athur Melo oo ka hadlaya in uu noqday xidig kale oo Brazil ah oo Barcelona ku soo biiray ayaa yidhi: “Waxaan soo arkay ciyaartoy waa wayn oo ree Brazil ah oo Barcelona ka soo ciyaaray tan iyo markii aan carruurta ahaa. Waxaan filayaa in dhaqanka iyo hanaanka ciyaareed ee Brazil ay isku mid yihiin”.

Athur oo ka hadlaya sida uu waqti dheer ugu riyoonayay ka ciyaarista Barcelona iyo in uu kala sheekaystay Coutinho, Neymar iyo Pualinho ayaa yidhi: “Markasta waxaan doonayay in aan halkan ka ciyaaro, waxaanan ka sheekaystay Paulinho, Coutinho iyo Neymar, waxayna dhamaantood ii sheegeen in ay magaalo layaableh tahay, oo cimilo fiican leh iyo dhaqan ay aad u sahlan tahay in lala qabsado”.

1 Comment

  1. Aduunyo aduunyo
    Meesha xavi ineast ka tageen ayuu athur buuxin xaasha madhici karto
    Soomalidu waxay Ku maahmaahdaa meel uu aarkatagay (libaax)
    Dacawo kaxareedissy (kaciday)
    Arthur wakhtigaa kugu simay iska ciyaar barcelonadii pep goardola booskay heleen atuur homes Dan’s paco polinho xataa Ivan

Comments are closed.