Kadib Goolashii Harry Kane Ee Xalay – Maxaa Iska Badalay Kala Sareynta Gooldhalinta Horyaalka Premier League?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

Horyaalka Premier League ayaa maraya heerkiisii ugu dambeeyay, waxaa ugu xiisaha badan ee laga war dhawraya maalintiisa ugu dambeysana waa cidda ku dhameysan karta boosaska 3-aad iyo 4-aad oo ay isku heystaan sadexda kooxood ee Arsenal, Man City iyo Liverpool.

Si la mid ah labadaas boos waxaa xiiso gaar ah leh gooldhalinta Premier League oo aad la isugu dhaw yahay, waxaana xalay si lama filaan ah talada ula wareegay Harry Kane oo xalay 4-gool ka dhaliyay Leicester City kulankii ay xalay ku xasuuqeen garoonka King Power Stadium.

Gooldhaliyaha Tottenham Hotspur haatan 2-gool ayuu ka horeeya xidiga kusoo xiga ee Romelu Lukaku iyadoo hal kulan kaliya ay u hartay xidig walba.

Harry Kane waa kan ugu cad-cad inuu ku guuleysto madama aan la fileynin in Sanchez iyo Romelu Lukaku ay laba gool ka badan ka dhaliyaan kulanka weyn ee dhexmari doona Everton iyo Arsenal.

Sidoo kale Diego Costa ayaa u baahan 6-gool iyo ka badan halka Aguero uu u baahan yahay 8-gool iyo ka badan.

Harry Kane ayaa difaacan doona abaalmarintaan hadii uu ku guuleysto madama uu xilli ciyaareedkii 2015/2016 ku guuleystay kuna qaaday 25.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments