Kaddib Guushii Ay Ka Gaadheen Wales, Tababare Enrique Oo Ku Hanjabay Inuu Daadin Doono Ciyaartooyo Waaweyn Kulanka England

Tababaraha xulka qaranka Spain, Luis Enrique ayaa shaaciyey inuu isbeddel ku samayn doono kooxdiisa marka ay toddobaadka iska hor yimaaddaan xulka qaranka England.

Spain ayaa 4-1 ku xasuuqday dalka Wales oo ay iskaga hor yimaaddeen ciyaar ciyaar saaxiibtinimo ayaa waxa laba gool u dhaliyey Alcacer laba kalena waxa ku daray Sergio Ramos iyo Bartra, hase yeeshee ciyaartooyadii fursaddan u helay kulankan qaar badan oo ka mid ah ayaan safan doonin ciyaarta England ee Isniinta.

Enrique oo warbaahinta la hadlay guusha weyn ee xulkiisu ka gaadhay Wales kaddib, ayaa waxa uu xusay in aanu sii sheegi doonin ciyaartooyada uu fadhiisin doono iyo kuwa cusub ee uu keeni doono, hase yeeshee illaa shan isbeddel ay jiri doonaan, waxaanu yidhi: “Waan jecelahay tartan, taas macnaheeduna waa in aanu keeni karno afar ama shan ciyaartoy oo heer sare ah, waxaana jiri doona isbeddel ka badan afar ama shan laakiin ma awoodi doontaan inaad sii qiyaastaan.”

Tababare Enrique waxa uu amaanay ciyaartooyada xulka qaranka dalkiisa oo uu xusay inay ciyaar wanaagsan soo bandhigeen kullankii ay ku burburiyeen Wales.