Kabtankii Hore Ee Kooxda Liverool Steven Gerrard Oo Ka Hadlay Heshiiskii Uu Philippe Coutinho Kaga Baxay Liverpool Ee Uu Barcelona Ugu Biiray.

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Jan 10, 2018

Halyeyga reer England iyo kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa wuxuu sheegay inuu si xoogan kaga murugooday heshiiskii uu Philippe Coutinho kaga dhaqaaqay safka kooxda Liverpool isla markaana uu qeyb kaga noqday Barcelona ee ku kacay aduun dhan 160 milyan euros, si uu u saxiixo heshiis gaadhsiisan ilaa iyo 5 sano iyo badh.

Steven Gerrard ayaa BT Sport u sheegay: “Runtii maahan midaan soo dhaweenayo heshiiskii uu Philippe Coutinho ugu dhaqaaqay kooxda Barcelona, maadaama aan ahay taageere kooxda Liverpool”.

Kabtankii hore kooxda Liverpool ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Laakiin waxaa sidoo kale ka war qabaa in maamulka Liverpool ay u sameeyeen wax walba ay ugu qancin karaan Coutinho inuu sii joogo garoonka Anfield, waxay si xoogan ugu dagaalameen sida ay u ilaashan lahaayeen adeegiisa balse ma aysan dhicin”.

Gerrard ayaa wuxuu dhinaca kale shaaca ka qaaday: “Xidig kasta ee lala xidhiidhiyo saxiixiisa kooxda Barcelona, gaar ahaan xidigaha koonfurta ameerica, waxaan u maleenayaa inay u tahay fursada kaliya ay ku riyoonayaan, waana wax aad u adag sida aad ku celin lahayd”.

“Liverpool waxay in badan tabi doontaa adeega Philippe Coutinho, taasina wax shaki ah kuma jiro, sababoo ah wuxuu ahaa xidig aad u wanaagsan, shaqsiyadiisuna ay aad u weyn tahay, sidoo kale waxaan ixtiraam xoogan ka muujinayaa go’aankii uu qaatay, wxaana u rajeenayaa inuu horumar ka sameeyo wadada cusub uu cagta saaray”.

Steven Gerrard ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: “Liverpool waxay sameyn doontaa horey u socod, sababtoo ah waxay heystaan dhaqaale xoogan ay ka sameeyeen saxiisa Philippe Coutinho, waxaan kalsooni ka muujinayaa in maamulka ay sameyn doonaan saxiix aad u wanaagsan ay badal kaga dhigan doonaan Coutinho”.