Kabtanka Belgium-ka Eden Hazard Oo Saadaaliyay Sida Uu Tartanka Koobka Aduunka Ku Dhamaan Karo Guud Ahaan & Wadanka Qaadi Kara.

Kabtanka qaranka Begium Eden Hazard ayaa saadaashiisa koobka Aduunka sameeyay isagoo adeegsanaya barnaamijka taleefoonada ku shaqeeya ee lagu dhex abuuray App-ka AllFootball kaas oo fududeynaya inuu qofka si fudud u saadaaliyo dhamaan natiijooyinka koobka Aduunka, wadamada usoo baxaya wareegyada bug-baxda iyo wadanka ku guuleysanaya.

Si aan layaab laheyn Eden Hazard wuxuu saaaaliyay inuu koobka Aduunka gacantiisa ku dhigi doono isla markaana uu markii ugu horreysay bilad weyn kula guuleysto xulka Belgium-ka

Eden Hazard oo ka mid ah ciyaartoya loogu jecel yahay qaaradda yurub ayaa wareega 16-ka koobka Aduunka u saadaaliyay iney kusoo bixi karaan wadamada kala ah: Egypt, Uruguay, Portugal, Spain,  France, Denmark, Argentina, Nigeria, Brazil, Switzerland, Germany, Mexico, Begium, England, Poland, Colombia.

Ciyaariyahanka Blues wuxuu si fiican u xanuujiyay saaxiibkiisa Chelsea ee Gary Cahill kaas oo kamid ah ciyaartoyda ugu firfircoon ee ka qeybgalaya koobka Aduunka.

Eden wuxuu qabaa in England ay imaan doonaan final-ka tartanka isla markaana ay ka qaadi doonaan, wuxuuna sameeyay saadaal isaga u fiican, taasoo ku hagi kartaa in durba la hadal haayo inuu hanan karo abaalmarinta Ballon d’Or.

27-jirkaan wuxuu wuxuu aaminsan yahay iney soo reebi doonaan wadamada Poland, Brazil iyo France ka hor inta aysan gaarin final-ka, halka England uu saadaaliyay iney soo reebi doonaan Colombia, Jarmalka iyo Argentina.