Kabtan Mauro Icard Oo Ku Hogaamiyay Inter Milan Guul Muhim Ah Oo Ay Ka Gaartay Fiorentina.

by Saed Balaleti | Tuesday, Nov 29, 2016

Inter ayaa ka sarre martay Fiorentina ka dib markii kabtan Mauro Icard uu ku hogaamiyay guul 4-2 oo ay kooxda Viola kaga badiyeen San Siro..

Weeraryahanka ayaa dhaliyay labo gool, waxaana uu caawiye ka ahaa gool kale iyadoo kooxda Inter Milan ay soo gabagabeysay afar guuldarro oo isku xigta oo ka soo gaartay Fiorentina, waxaana ay gaareen guushoodii ugu horeysay tan iyo markii uu tababare u noqday Stefano Pioli.

Marcelo Brozovic ayaa hogaanka u dhiibay Nerazzurri daqiiqadii 3aad ka hor inta uusan Antonio Candreva u saxiixin goolkoodii labaad daqiiqadii 9aad. Ciyaarta markii ay socotay 19 daqiiqo Inter Milan ayaa 3-0 ku hogaamineysay iyadoo goolka seddexaad uu u dhaliyay Mauro Icardi.

u8zxxntzbu741dg11s01wrzcc

Fiorentina ayaana bilowday inay ciyaarta ku soo laabata marii uu gool u soo celiyay Nikola Kalinic daqiiqadii 37aad, laakiin dadaalkooda waxaa dib u dhigay Gonzalo Rodriguez oo casaan toos ah qaatay inkastoo ay ciyaarta ka dhigeen 3-2 daqiiqadii 62aad markii uu Josip Ilicic uu u saxiixay.

Laakiin Icard ayaa ciyaarta hurdo u diray waqtigii dhimashada iyadoo Inter Milan ay 4-2 ku badisay.

Inter ayaana soo gashay kaalinya 8aad iyagoo leh 21 dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka sareeyaan kooxda Fiorentina oo ku jirta kaalinta 9aad.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. halyeey 29-11-2016 at 12:54 pm - Reply

    Waad mahadsantihiin laacib
    sanadkan champion ka inay kusoo
    noqoto ayaan rabaa
    difaacana iga hagaajiya

Leave A Response