Kabtan John Terry Oo Fariin Qiimo Badan Hawada U Mariyay Jamaahiirta Chelsea, Halkaan Ka Aqriso Fariinta Oo Dhameystiran.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Apr 19, 2017

Chelsea ayaa xaqiijisay in kabtankeeda John Terry uu dhamaadka xili ciyaareedkaan isaga tagi doono kooxda, wuxuuna soo afjari doonaa 22-sano oo uu kooda ka dhisan galbeedka London adeege u ahaa.

Terry oo taariikhda Blues ay sameysay qeyb ku leh kana mid ah shaqsiyaadka ugu safashada badan kooxda ayaa fariin qiiro leh u diray dhamaan Jamaahiirta Chelsea, isagoo u balan qaaday inuu soo laaban doono balse uu waayahiisa ciyaaraha sii wadan doono.

FARIINTII JOHN TERRY OO DHAMEYSTIRAN:


“Waxey aheyd qiiro xad dhaaf ah in isbuucaan kooxda iyo aniguba aan ku dhawaaqno in xili ciyaareedkaan uu yahay kii ugu dambeeyay waayaheyga ciyaariyahanimo ee Chelsea”

“Wuxuu ahaa go’aankii ugu adkaa ee nolosheyda, aniga ahaan iyo qoyskeygaba, balse waxaan mar walba hubaa inaan ku tagayo xaalad sax ah, wado saxan iyo waqti haboon, waana sidey hadda tahay”

“Hamigeygii hore markii aan wiilka ahaa wuxuu ahaa inaan noqdo xirfadle kubadda cagta ah,  waxaana si joogto ah ugu mahadsan kooxda kubadda cagta Chelsea, hooyadey, aabahey iyo walaalkey kuwaas oo i siiyay fursadda iyo dhamaan taageradooda ii kaamishay riyadeyda”

“Laga soo bilaabo 14-jirkeygii ciyaalka iskuulka, saxiixeyga heshiiskii ugu horeeyay da’da 17-sano, kulankeygii ugu horeeyay ee kooxda koowaad isla sanadkaan, ka qeyb noqoshadeyda isbadalka iyo hormarka kooxdaan weyn, waxey igu dhiirigalineysaa inaan joogteeyo dadaalka si aan u noqdo midka u fiican intaan awoodo”

“Cawinta iyo taageerada Mr. Abramovich, waxaa nahay sida ciyaartoy la siiyay fursad ay kusoo bandhigaan dhamaan damaceena xirfadeed,  iyadoo kooxda ay u guurtay waqti cusub halkaas oo aan kula kulanay hamigeena, kuna noqonay mid ka mid ah kuwa ugu weyn uguna guulaha badan kooxaha dunida. Arintaas waxaan kaga mahad celinayaa si gaar ah Mr. Abramovich, iyo maamulka sida hagar la’aaneed uga shaqeeyay in kooxda ay sii wadato hormarka gudaha iyo banaanka garoonkaba”

“22-kii sano ee kooxdaan waxey ka mid aheyd nolosheyda, waxey i siiyeen madal aan kula tartamo anigo ka hor jeeda kuwa ugu fiican, jabinta rikoorba rikoorkiisa kale, ku guuleysiga kooba koobkiisa kale, mar walba oo aan wax badan ku guuleysano kaliya waxey sii kordhineysay rabitaankeyga shaqada adag iyo filashada wax badan oo ka yimaada nolosheyda iyo kooxda. Jaceylkaas wuxuu ii suuragaliyay inaan noqdo kabtanka ugu guulaha badan, waxaan aad ugu faraxsanahay inaa magacaabo dadka aan isku bahda nahay sida Ron Harris, Peter Bonetti, Frank Lampard, John Hollins [Halyeyo Blues] iyo ciyaartoy waaweyn oo kale oo aan ahay mid ka mid ah kuwa ugu muuqaalka badan kooxda”

“Aad baad u mahadsan tahiin dhamaan saaxiibadeyda iyo macalimiintii sanadahaas. kuwaas oo aan iska garabsanay dagaalo badan adinkaana ku sharfan”

“Sidoo kale waxaan jeclahay inaan u mahad celiyo qoyskeyga quruxda badan kuwaas oo jaceyl aan xad laheyn iyo taageero ii muujiyay, xaaskeyga Toni iyo caruurteyda Georgie iyo Summer, waxaa tahiin tiirarka waayaheyga dhan. aad baan idiin jeclahay, aad ayaana u mahadsan tahiin. waad ila dagaal dagteen marka aan ku guuleysto i taageerteen aniga markaan guuldareysto. waxaad i siiseen madal aan ku wato tartanka aan ugu jiray riyadeyda dhamaan sanadahii Stamford Bridge, waxaadna igu riixdeen inaan doono inaan noqdo kan ugu wanaagsan waqtiga oo dhan. waxaan u sameynay si wadajir ah. qoyskeena mar walba wuxuu ahaanayaa Buluug iyo sharaf”

“Waligey ma awoodi doono iney iga soo maaxdaan erayada jaceylka ah ee aan ka heysto taageerayaasha. taageerada aad waligiin isiin jirteen,  labadaba shaqsi ahaan iyo koox ahaan waa wax aan caadi aheyn. waxaad agab u tahiin guulaheyga, sidoo kalana aniga iyo kooxda aad nagu dhiirigaliseen inaan ku guuleysano koobab badan

“Inaan xirto xalaamadda xushmadda noqdana kabtanka waxey shaki la’aan tahay guusha sharafta leh ee aan nolosheyda helay. kaliya waxaan rajeynaa inaan idinkugu abaalgudo joogteynta iyo daacadnimada dhamaan waayaheyga ciyaaraha, waxaana ku hanweynahay inaan dib ugu soo laabto kooxdaan weyn”

“Waxaan doonayaa inaan ku adkeysto safarka inuusan dhamaan. Wado dheer ayaa na hor taala, waxaa naga go’an inaan hawlgalkaan ku dhameyno meel sare. waxaan si dhameystiran diirada u saarayaa inaan caawiyo kooxda iyo macalinka qaab walba oo aan awoodo laga bilaabo hadda ilaa dhamaadka xili ciyaareedka”