Kabtan Andreas Iniesta Oo Durba Fariin U Diray Philippe Coutinho: “Ma Jiri Doono Ciyaariyahan Iga Fariisin Kara Kubada Cagta”

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Jan 12, 2018

Kabtanka Barcelona Andreas Iniesta ayaa fariin dadban u diray saxiixa cusub ee kooxdiisa xidiga reer Brazil Philippe Coutinho, una sheegay inuusan jiri karin xidig ku qasba inuu ka hawlgabo kubadda cagta ama isaga tago Camp Nou.

Philippe Coutinho ayaa noqday saxiixa labaad ee ugu qaalisan dunida kadib markii uu 160 Malyan oo Euro ku tagay Camp Nou, isniintii ayaa lasoo bandhigay waxaana durba bilaabatay inuu yahay xidiga badali doona Andreas Iniesta.

Si kastaba xidiga kasoo qalin jabiyay kuleejka La Masia wuxuu la hadlay idaacadda Onda Cero – isagoo si fiican u amaanay Coutinho, balse ku sheegay inuu yahay xidig kooxda u yimid inuu hormar sameeyo sidoo kalana kooxda hormarin kara.

“Waxaan ciyaariyahan kooxda ah, mar walba ayaan sheegaa inaan sida ugu fiican ugu ciyaaro kooxdaan” ayuu yiri Kabtan Andreas Iniesta oo la hadlayay Onda Cero.

“Taasoo Coutinho ka dhigeysa inuu yahay mid ka mid ah kuwa wanaagsan, waa wiil yar, wuxuuna leeyahay xirfad dabiici ah, iyadoo Barcelona ay tahay kooxda uu ku joogteyn karo koriimadiisa”

“Dhinaca kale, ma jiro ciyaariyahan iga dhigi kara mid hawlgab ah ama iga saari kara halkaan – inaan ahay 33-jir taasi maahan dhibaato, Coutinho wuxuu halkaan u yimid inuu na hormariyo”

“Waan ku faraxsanahay inuu yahay mid ka mid ah xidigaha ugu fiican booskiisa, wuxuu leeyahay waxyaabaha aan jecelnahay”

“Waa mid dhaqso badan, sidoo kalana leh xirfad, si fiicanna isugu xira kubadda, wuxuu isticmaala labadiisa lugood isagoo abuura goolasha sidoo kalana dhaliya”

“Wuxuu halkaan ka heli doonaa deegaan uu ku koro, lacagta aan ka bixinay isaga waa arin kale”

“Lacagta suuqa ayaa go’aamineysa waxa uu ciyaariyahanka u qalmo, inkastoo ay ka fogtahay waalli – waa inaan ku faraxno inuu dhankeena yahay”

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. abdullahi 13-01-2018 at 11:29 am -

    countinho waa ciyaryahan hada horleh waqtibadan ayuu haysta balse ineist waa ciyartoy waqtibadan sooo qatay hadana wali kudhaxjira barca wana laga jecelyahay barca

  2. Gutinho 13-01-2018 at 4:44 am -

    Countinho waa cyr yhn runtii aad u ficaan lkn
    Iniesta waa cyr yhn ka wyn ka waayo argsan
    Mana ka saari karo booskiisa kamana fadhisin dooon labadu waay wda cyri doonan in badan

  3. Ahmed hassan 13-01-2018 at 1:37 am -

    Barca waa naadi aad iyo aad u adag xiliga hada lajoogo wayoo
    Daafac
    Iyo
    Dhax
    Iyo
    Weerar
    Waa tha best
    VIVA BARCA

  4. Ahmed hassan 13-01-2018 at 1:32 am -

    Countinho waan hubaa Barca inuu laqabsan karo lakiin ma aha micnaha inuu iniesta ka saari karo booska wayoo iniesta waa nin eey sareyso xifradiisa

  5. abduweli barre 12-01-2018 at 8:13 pm -

    countinho best player hada joga weye wana la arki dona sida wacan ee uu kooxda ula dheelo