Ka Hor Kulanka El Clasico-da, Real Madrid Oo War Fiican Heshay Iyo Gareth Bale Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Buuxda Ee Kooxdiisa.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Tababare Zinedine Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid ayaa maanta helay war farxad leh kadib markii uu Gareth Bale dib ugu soo laabtay tababarka buuxda ee kooxdiisa. Xidiga ree Wales ayaa dhaawac ku seegay kulankii lugtii labaad ee siddeed dhamaadka Champions Leaque-ga kadib markii uu dhaawac ku soo gaadhay kulankii Allianz Arena ee isla Champions Leaque-ga.

Real Madrid ayaa barteeda twitterka ku shaacisay in Gareth Bale uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxdeeda waxayna qoraal kooban soo raaciyeen isaga oo kooxda inteeda kale tababarka la samaynaya. Real Madrid iyo Barcelona ayaa diyaar garaw wayn ugu jira kulanka koobka La ligaha go’aamin kara ee El Clasico-da oo April 23 ka dhici doona Bernabeu.

Qoraalka Real Madrid ayaa lagu yidhi: “Gareth Bale waxa uu maanta ku soo laabtay tababarka kooxda iyada oo teamku uu bilaabay diyaar garawga El Clasico-da”. Zidane ayaa ka hor kulankii Bayern Munich ee Bernabeu sheegay in uu Gareth Bale diyaar u noqon doono kulanka Barcelona waxaana meesha ka baxay walwalkii ay Los Blancos ka qabtay in xaalada Bale ay noqoto mid aanu hore uga soo kabsan karin.

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments