Ka Hor Kulanka El-Clasico-da, Madax Waynaha Maamulka La Liga-ha Ee Javier Tebas Oo Doonaya In Real Madrid Ay Camp Nou Guul Ku Soo Gaadho

by Mohamoud Batalaale | Wednesday, Nov 30, 2016

Madax waynaha maamulka La Liga-ha ee Javier Tebas  ayaa doonaya in Real Madrid ay Camp Nou ku soo guulaysato kulanka El-Clasico-da ee sabtida dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid. Javier Tebas  ayaa xili ciyaareedkii h--e si cad u sheegay kooxda uu taageero balse markan waxa uu sheegay in qof kastaaba uu ogyahay kooxda uu doonayo in ay guulaysato.

Xidhiidhka kooxda Barcelona iyo madax waynaha maamulka horyalka La Liga ee Javier Tebas ayaa halkii ugu xumayd gaadhay kadib markii uu si xun u eedeeyay ciyaartoyda Barcelona ee kulankii Valencia isaga oo ciyaarta Balaugrana ku weeraray qaabkii ay ugu dabaal degeen guushii Mestalla Stadium balse Barcelona ayaa xidhiidhka u goysay Javier Tebas waxayna sheegeen in ayna shaqsi ahaan waqti xaadirkan ula shaqayn doonin.javier-tebas

54 jirkan Javier Tebas  oo ka hadlayay xaflad loo qabtay Microsoft ayaa yidhi: “Anigu waxaan doonayaa in dhamaan La Liga-ha ay Clasic0-du u noqoto xaflad si looga faa’iidaysto, maanta ma sheegayo cida aan doonayo in ay guulaysato, haddaba waad ogtihiin cida aan doonayo in ay guulaysato. Guulaystuhu waxa uu muhiim u yahay tartanka koobka horyaalka”.tebaas

Javier Tebas oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Marar kale ayaan sheegay cida aan doonayo in aan noqdo laakiin maanta ma aha maalintii aan sidaa sheegi lahaa” ayuu Javier Tebas  hadalkiisa raaciyay iyada oo hadalkiisa loo qaadan karo in aanu doonayn in colaada Barcelona kala dhexayso in uu dab kale ku sii shido.

Like it? Share it!

6 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Liibaandiish 01-12-2016 at 12:15 am - Reply

    Waa nin aan Caqli badan lahayn isagoo loo doortay boos dhex dhexaad ah ayuu Ku leeyahay taageeraan ahay marka h--e xilka ha dhigo markaas ka dib ciduu doono ha taageero laakiin hada waa. Madaxwayne taageere ma noqon karo

  2. mudane50 30-11-2016 at 10:54 pm - Reply

    waa nacas anaan laheyn karti waana dameer iska hadley shaqada waa in si deg deg ah iskaga casilo

  3. Shabeel Yare 30-11-2016 at 7:32 pm - Reply

    Somalidu waa reer baadiye ma yaqaanan taageerada colaad qofkani cid ayuu taageeraa ee cid ma ladagaalansana

  4. xamdi 30-11-2016 at 6:52 pm - Reply

    Waasax ciidi utaagerayo inuu shegaaa waasax

  5. dhiirane 30-11-2016 at 6:46 pm - Reply

    ala ceeb badanaa tolo miyaanu in yarna isla yaabayn oo kanu waa doqon

  6. DIDI 30-11-2016 at 6:11 pm - Reply

    madaxweyne aan dhex dhexaad ahen siduu maamul ku
    wadi karaa xataa hadii ayba jirto inuu taageero u hayo
    koox ka mid ah kooxaha waxey ahed inuu qalbigiisa ku
    hesto lakin sidan waa daahir yaa shamsi kkkkkkkkkkk

Leave A Response