Ka Hor Finalka Koobka Aduunka, Samuel Umtiti Oo Fariin U Diray Ciyaartoyda Xulka Qaranka Croatia.

Difaaca xulka qaranka France iyo kooxda Barcelona Samuel Umtiti, in ilaa iyo haatan uu aamini la’ayahay in dalkiisa uu ciyaari doono finalka koobka aduunka 2018 ee dalka Russia Axada soo aadan.

Samuel Umtiti ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “France Football” wuxuu kaga hadlay kulanka finalka koobka aduunka ee Axada soo aadan ay kula ciyaari doonaan xulka qaranka Croatia.

Difaaca kooxda Barcelona Umtiti ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaaway: “Waxaan gool ka dhaliyay Belgium, laakiin wxaan dhamaanteen u wada shaqeenay si wanaagsan”.

Samuel Umtiti ayaa hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Waxaan aadi doonaa finalka Koobka Aduunka aan kula ciyaari doono Croatia, ee heyssata koox cajiib ah, sida Luka Modric, Ivan Rakitic iyo Mario Mandzukic”.

“Waxaan rajeenayaa inaan ciyaarno finalka koobka aduunka isla markaana aan ku guuleysano, waxaan heysanaa riyo weyn, waxaana isku deyeynaa inaan gaarno, waxaan sameyn doonaa wax walba ee aan ugu guuleysan karno koobka aduunka 2018”.

“Waxaan wax ka baranay koobkii finalka ee Euro qaladaadkii aan sameenay, waxaana dooneynaa in aan markale sameynin, waxaan ku soconaa wadada saxda ah, waxaan dooneynaa in aan  ka faa’ideysano daalka xulka Croatia, kadib markii ay ciyaareen saddex kulan ee lagu daray waqtiyo dheeri ah”.

Samuel Umtiti ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay saaxiibkiis Kylian Mbappé wuxuuna yiri: “Ma jeclo in laga hadlo da’adiisa, laakiin wuxuu leeyahay shaqsiyad aad u weyn, xasilooni iyo waxyaabo waali ah ee ah garoonka dhexdiisa, wuxuu fiicnaan doonaa xiliyo badan ee xirfadiisa kubada cagta ah”.

Umtiti ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Wuxuu ahaa tartan aan caadi ahay aan kula ciyaarnay ciyaartoy wanaagsan, waxaan ku kalsooneyn inaan  gaari doono finalka koobka aduunka”.