Juventus Oo Noqon Karta Kooxdii 9aad Ee Taariikhda Ee Isku Qaada Seddexda Koob? Barca, Bayern & Man Utd Yaa Kaloo Kula Wehliya Liiska Ay Tiigsanayaan?

by Saed Balaleti | Friday, May 19, 2017

Juventus ayaa hanatay Coppa Italia, waxaana ugu xiga kara Scudetto isbuuca soo socda ka dibna Real Madrid ay ku wajihi doonaan finalka Champions League iyadoo haddii ay hantaan ay u noqon doonto taariikh inay noqdaan kooxdii 9aad ee ku guuleysata seddexda koob hal xilli ciyaareed.

Bianconeri ayaa u tartameysa inay noqoto kooxdii shanaad ee sagaal xilli ciyaareed gudaheed ku xaqiijisata seddexda koob laakiin kaaliya kooxdii 9aad ee abid.

Coppa Italia waxa ay riteen boorsada, waxaa u raaci kara Scudetto isbuuca berri bilaabanaya iyadoo Juventus ay afar dhibcood oo nadiif ah ay ku heyso horyaalka iyadoo labo kulan ay harsan tahay. Ka dib waxa ay indhaha oo dhan eegi doonaan Cardiff 3da bisha Juun, haddii ay guuleystaan waxa ay dhigi doonaan taariikh.

Shabakada UEFA ayaa soo bandhigtay sideeda kooxood kale ee seddex koob isku qaaday hal xilli ciyaareed:

Celtic (1966/67)

Koobkii ugu horeysay ee Britain ee ku guuleysata Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub waxaa ay aheyd koox ciyaartoy ah oo dhamaantood ku dhashay meel 50km ka badan u jirin garoonka Celtic Park, laakiin waxaa inta badan aan la xisaabinin xaqiiqda ah inay Lisbon koobka kaga qaadeen Inter Milan iyo inay ahaayeen kooxdii ugu horeysay ee isku qaada horyaalka wadanka, koobka maxaliga iyo koobka Champions League maanta loo yaqaano.

Ajax (1971/72)

Inter ayaa sidoo kale aheyd kooxdii finalka la ciyaartay Ajax shan sannadood ka dib, wax jawaab ahna uma aysan heynin kubadii kooxda Ajax ay soo bandhigtay ee Total Football iyadoo Johan Cruyff uu dhaliyay labo gool xilli Ajax ay seddexda koob isku qaaday.

PSV Eindhoven (1987/88)

Iyadoo ay aheyd xilli ciyaareedkii ugu horeysay ee uu Guus Hiddink tababare u noqdo, PSV waxa ay isku qaaday koobka horyaalka, Dutch Cup iyo kooxda Kooxaha Horyaalada Yurub.

Manchester United (1998/99)

Kooxda Sir Alex Ferguson waxa ay horyaalka ku qaadeen si ciriir ah iyadoo guuldarro soo gaarta maalintii ugu danbeysay xilli ciyaareedka ay ku waayi lahaayeen horyaalka, waxa ay rigoore uga soo baxeen semi-finalkii FA Cup, halka waqti dheeri ah la isla gaaray finalkii Champions League ee ay la ciyaarayeen Bayern Munich. Dhamaan seddexda koob waa ay kuwada guuleysteen xilli ciyaareedkan.

Barcelona (2008/09)

Kooxda Pep Guardiola waxa ay 4-1 kaga badiyeen Athletic Bilbao finalkii Copa del Rey, waxa ay horyaalka ka qaadeen Real Madrid xilli ciyaareed ay 6-2 ku xasuuqeen, waxaana ay finalka Champions League ka guuleysteen Manchester United.

Internazionale Milano (2009/10)

Kooxdii dhibanaha u soo noqotay Celtic iyo Ajax markii ay seddexda koob isku qaadayeen ayaa markaan dhanka kale iska aragtay. Diego Milito ayaa ahaa xiddiga markii uu dhaliyay kulankii horyaalka Serie A ay ku go’aansadeen, goolka kaliya ee finalka Coppa Italia ka dibna dhaliyay labadii gool ee ay kooxda Jose Mourinho kaga qaadeen Champions League kooxda Bayern Munich.

Bayern München (2012/13)

Bayern waxa ay ka xumaayeen tababarihii ka tagay Jupp Heynkes laakiin uma aysan diirnixin Dortmund. Bayern waxa ay horyaalka ka qaaday Dortmund iyagoo 25 dhibcood ka sareeya, waxa ay ka qaadeen koobka German Cup, waxaana ay gool daqiiqadii ugu danbeysay ah uga qaadeen koobka Champions League.

Barcelona (2014/15)

Xilli ciyaareedkii ugu horeysay ee ay isla ciyaaraan Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar waxa ay ku guuleysteen markii labaad seddexda koob, waana kooxda kaliya ee sidaas sameysay abid. Si la mid ah xilli ciyaareedkii 2008-09 waxa ay horyaalka ka qaadeen Real Madrid, waxa ay Copa del Rey ka qaadeen Athletic Bilbao, halka ay Champions League ka qaadeen Juventus.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments