Juventus Oo Haddii Uu Dani Alves Ka Baxo Badalkiisa Ka Dhiganaysa Hector Bellerin Ama Matteo Darmian.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Jun 20, 2017

Kooxda Juventus ayaa diyaarsatay qorshihii ay ku heli lahayd difaac badal ugu noqda Dani Alves haddii uu xidiga ree Brazil kaga dhabeeyo hamigiisa ah in uu ka ciyaaro horyaalka Premier Leaque-ga. Dani Alves ayaa la sheegay in uu wada xaajood kula jiro Juvnetus sidii loo kansali lahaa heshiiskiisa Turin.

Kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa ah labada kooxood ee Premier Leaque-ga ah ee doonaya saxiixa 34 jirkan khibrad badan u leh kubbada cagta laakiin Juventus ayaa doonaysa in haddii uu Dani Alves kooxdeeda ka baxo in ay badalkiisa ka raadsato Manchester United iyo Arsenal.

Juventus ayaa doonaysa in booska Dani Alves ay ku buuxiso Hector Bellerin ama Matteo Darmian oo ka kala tirsan kooxaha Arsenal iyo Manchester United. Inkasta oo uu Bellerin bartilmaameed muhiim ah uu u yahay Barcelona haddana Old Lady ayaa xidigaha ay doonayso ku darsatay.

Wargayska Daily Mirror ayaa sheegay in Juventus ay badalka Dani Alves u rabto Darmain ama Bellerin balse waxay sidoo kale diyaarsatay qorshe kale haddii ay labadan xidig waydo waxaana liiska xiidaha ay doonayso ku jira Joao Cancelo oo Valencia ka ciyaaraya iyo difaaca kooxda  PSG ee Serge Aurier .

Manchester City ayaa la sheegay in ay heshiis afka ah la gaadhay Dani Alves isaga oo qandaraas laba sano ah ugu soo biiri kara Etihad Stadium balse Antonio Conte iyo kooxdiisa Chelsea ayaa tartanka qayb ka ah.