Jurgen Klopp Oo Xaqiijiyay Waqtiga Uu Philippe Coutinho Garoomada Ka Maqnaan Doono.

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 30, 2016

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Philippe Coutinho uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan shan isbuuc ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray canqowga kulankii Sunderland.

Klopp ayaana sheegay in 24 jirkaan ay u badan tahay inuu maqnaan doono ilaa iyo sannadka cusub, isagoo seegaya kulamada xiriirka ah ee la ciyaarayo bisha December.

1976473-41524947-2560-1440

“Phil waxa uu u baahan yahay shan ilaa dhowr isbuuc ilaa iyo inta uu dib inoogu soo laabanayo” ayuu yiri tababaraha Reds Klopp ka hor kulankii ay EFL Cup ka badiyeen kooxda Leeds.

“Waan arki doonaa. Waxaana uu maqnaan doonaa isbuucyada soo socda.”

Coutinho ayaa ahaa xiddiga ugu saameynta badan Liverpool xilli ciyaareedkan, laakiin Klopp ayaa sheegay inay maareyn doonaan guulaha kooxda isaga la’aantiis.

“Ma ahan wax aan marmarsiiyo ka dhigan karno. Inkastoo uu aad u fiican yahay hadana isaga kaligiis ma go’aansado natiijooyinka ciyaaraha, inkastoo mararka qaar ay sidaas u muuqato.” ayuu yiri.

Like it? Share it!

Leave A Response