Julien Draxler Oo BAHDILAY Liverpool Kaddib Kulankii Xalay Ee Kooxdiisa PSG Guuldarada Kala Soo Hooyatay Anfield!

Julien Draxler waxa uu aaminsan yahay in Paris Saint-Germain ay ahayd in Liverpool ku garaacdo Anfield haddii ay dooneyso ku guuleysiga Champions League.

Qeybtii horeba Liverpool ayaa hoggaanka laba gool ku qabatay kaddib goolkii Daniel Sturridge iyo gool ku laadkii James Milner.

Hase ahaatee, PSG waxa ay heshay barbar dhac kaddib markii ay shabaqa u soo taabteen Thomas Meunier and Kylian Mbappe.

Nasiib xumo se, Roberto Firmino ayaa u dhammeeyey oo ka dhaliyey kooxda reer France goolkii guusha.

Draxler waxa uu amaanay qaab ciyaareedkii Liverpool laakiin waxa uu sheegay in PSG lumisay fursaddii ay ku noqon lahayd mid gaadha heerkii laga filayey.

“Si wanagsan uma aynaan bilaabin. Liverpool 2-0  ayey hoggaanka ku qabatay laakiin wey adag tahay in laba gool halkan lagu dhaliyo,” ayuu yiri Draxler.

“Waan u qalannay barbar dhaca laakiin waxaan oganay in Liverpool ay aad u awood badneyn taasna waxaa muujiyey Firmino daqiiqadihii ugu dambeeyey.

“Qeybtii hore ma ahayn kuwo dagaalamayey.

“Haddii aad dooneyso in aad ku guuleysato Champions League waa in aad halkan ka qaadato saddexda dhibcood oo aad ahaato mid wax dili kara.

“Laakiin waan ku faanayaa kooxda waxaana rejeynaaa in aan wax wanaagsan ku hor sameyno taageereyaasheena Paris.”

 

 

 

8 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Asxaabey waxaan isku haysanaa rag ee roosaha qofka markuu championsleague ciyaaraayo uu qaato ma hal kulan baa mise intuu maqnaanaayo waa mhdsantihiin sxbyaal

  2. saas ayaad ku sheeganeysaan shabakad sports wax jiro matihiin wax lasoo booqdo ma tihiin

  3. Laacib tani waa mid kamida sababaha aanan u akhrin doonin mararka qaar waayo maba islaha ciwanada iyo qoraalada body ee gudaha.

  4. Sxb cinwaanka aad isticmaashay iyo hadalka maba islahan waayo waxaan aragnay amaan adna waxaad sheegtay bahdilaad marka bro iska fiiri meelaha qaar

Comments are closed.