Julen Lopetegui Oo U Muuqda Mid Hadaba Sii Go’aamiyay Goolhaaya Real Madrid Ee Kulanka UEFA Super Cup Ay Kula Ciyaari Doonaan Atletico Madrid.

Sida ay shaaca ka qaadeen wargeysyada kasoo baxa gudaha dalka Spain macalinka kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa hadaba sii go’aansaday arinta ku aadan cida uu u xulan doono goolhaayaha Los Blancos ee kulanka UEFA Super Cup ay kula ciyaari doonaan kooxda Atletico Madrid.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in goolhaayaha reer Costa Rica ee Keylor Navas uu yahay kan ugu dhow ee ciyaari kara kulanka UEFA Super Cup, inkastoo Real Madrid ay dhawaan lasoo saxiixatay goolhaayihii hore kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois.

Wargeyska “Marca” ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Keylor Navas uu wajihi doono xili ciyaareedkiisii ugu adkaa tan iyo markii uu yimid Santiago Bernabéu sanadkii 2014, iyadoo saxiixa Thibaut Courtois ay ka dhigi doonto inuu halis ku jiro booskiisa koowaad ee kooxda, lakiin wax walba waxay tilmaamayaan ka qeyb galka Navas ee kulanka Arbacada ay kula ciyaari doonaan Atletico Madrid koobka UEFA Super Cup.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Thibaut Courtois uusan soo fariisan xitaa kursiga keydka kulankii xalay ee koobka Bernabeu Trophy ay ku wada ciyaareen kooxaha Real Madrid iyo Milan, mana uusan sameynin wax tababar ah marka laga reebo saddex jeer tan iyo imaatinkiisa Real Madrid, sidaas darteed waxaa adkaan doonta inuu ka qeyb galo kulanka UEFA Super Cup.

Si kastaba Keylor Navas ayaa wuxuu fursad xoogan u heystaa in uu qaab ciyaareedkiisa ku qanciyo macalinka kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui kulankiisii labaad, kadib bandhigii cajiibka ahaa uu ka sameeyay koobka Bernabeu Trophy ay xalay ka qaadeen kooxda reer Talyaani ee AC Milan.