Julen Lopetegui Oo Markii Ugu Horreeysay Ka Hadlay Dareenkiisa Iyo Xilkii Tababare Ee Laga Eryey Xilli Uu Saaka Soo Gaaray Madrid

Julen Lopetegui waxa uu markii ugu horreeysay qirtay in uu aad uga carooday xil ka qaadistii lagu sameeyey.

51 jirka waxaa loo magacaabay taabaraha Real Madrid salaasaddii kaddib waxaa 24 saac gudohood xilkii qaranka uga xayuubiyey xiriirka kubadda cagta ee Spain.

Waxaa lagu waday in uu La Roja ku hoggaamiyo kulanka jimcaha ee Portugal –laakiin badalkiisa waxaa leylin doona Spain Fernando Hierro.

Lopetegu waxa uu Madrid soo gaaray saacadihii hore ee khamiista isaga oo si rasmi ah ula wareegi doona xilkii uu banneeyey Zinedine Zidane.

Xilii uu ka soo tagayey Moscow , waxa hadalkiisa ku daray: “Waxaan haysannaa koox cajiib ah waxaana rejeeynayaa in ay ku guuleystaan koobka aduunka.”

Wariyeyaal, ciyaaryahanno iyo tababaryaal ayaa ka falceliyey arintii Spain qabsatay dhawrkii maalmood ee tahay.

Waxaa dadkaas ka mid ah Xavi Hernandez oo ka dhiibtay aragtidiisa sidii ay wax u dheceen.

” Anigu ma ihi qofka tan ka hadlaya isaga ayaa sameeyay. Waxaa la eedeeyay hanaanka ku dhawaaqista. May ahayn waqtigii ugu haboonaa ama waqti fursad ah”.

Xavi Hernandez oo ka hadlaya go’aanadii uu qaatay madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Spain ee Luis Rubiales ayaa yidhi: ” Wax fiican ayuu sameeyay isla markaana xidhiidhka kubbada cagta ayaa wax walba oo kale ka horeeya”.