Jose Mourinho: “Waxa Kaliya Ee Aan Ka Jecleysan Chris Smalling Waa Timihiisa”

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa la dhacay qaab ciyaareedkii ugu danbeeyay ee Chris Smalling laakiin ma uusan jecleysan qaabka cusub ee uu timaha u sameystay daafaca dhexe.

Smalling ayaa dhaliyay goolka noqday midka guusha ee ay kulankii 2-1 shalay oo Sabti aheyd kaga badiyeen Watford, waxaana ay soo gabagabeeyeen rikoorkii kooxda Watfor ee xilli ciyaareedkan, xitaa haddii ay cadaadis xilli danbe ah u aheyd United.

Marka laga soo tago goolkaas, daafaca waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u sareeya isagoo meel ku xiran Troy Deeney oo jooga garoonkiisa Vicarage Road.

Laakiin markii uu Smalling timaha u soo sameystay qaab cusub, kama filayo inuu wax talo ah ku aadan dhanka isqurxinta ka helo tababarihiisa Jose Mourinho.

“Aad ayuu u fiicnaa, waxa kaliya ee aan ka jecleysan Chris waqti xaadirkaan waa sida uu timaha u sameystay, laakiin ma ahi qofkii taas u sheegi lahaa” ayuu Mourinho ku kaftamay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.

“Laakiin waxa uu u ciyaarayaa si aad u fiican si la mid ah Victo Lindelof. Waxaana ku celinayaa in Marouane Fellaini inuu muhim u ahaa iyaga labo kulan oo adag oo ay ciyaareen, sababtoo ah Burnley iyo Watford waxa ay heystaan labo weeraryahan oo xoog badan.

“Kubada waa ay ceshan karaan, waa ay ordi karaan, kubadaha madaxa waa ay ku fiican yihiin, waa kuwa jir ahaan xoog badan, sidaasi darteed waxaan qabaa in seddexdaan nin [Smalling, Lindelof iyo Fellaini] inay muhim weyn inoo ahaayeen maanta mar kale, marka uu daafac dhexe goolka ku dhalin karana waaba ka fiican.”

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.