Jose Mourinho Oo Xaqiijiyey Kulanka Ugu Soo Horreeya Ee Uu Luke Shaw Ku Soo Bilaaban Doono

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho waxa uu xaqiijiyey in Luke Shaw soo laaban doono kulanka Champons League ee Young Boys.

Shaw waxa u soo bandhigay afartii kulan uu ugu horreeyey ciyaa lala dhacay balse waxa uu ku dhacmay kulankii Spain.

Cabsi ayaa laga qabay in uu muddo maqnado laakiin Jose Mourinho ayaa sheegay in uu safkiisa kulanka kowaad ee Europe ka soo muuqan doono.

“Shaw wuu ciyaarayaa Arbacadda,” ayuu Mourinho yiri. “Hal dadab biddix kuma dheeli karno, Ashley Young ma aha biddix,” sidoo kale waa middig.

“Labadaba wey fiican yihiin, waa laba ciyaaryahan oo kala duwan waxaana qabaa in labadooda fahansan yihiin in mid da’yar yahay midna khibrad leeyahay waana wax anaga noo fiican in aan xulashadaas haysanno.”

Manchester United waxa ay Champions League Group-kiisa H kula jirtaa Juventus, Valencia iyo Young Boys.

 

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. war kuwan wararka man untd sogaliyo waa tagero man untd ah mana xishodan wana jaahiliin arsenal iyo man city maba sogaliyaan man untd ma iyaka leh wasaq waaye

Comments are closed.