Jose Mourinho Oo Xalay Daawaday Ciyaartii Serbia iyo Montenegro, Hal Ciyaartoy Oo Uu Qiimaynayey Iyo Natiijo Qanicsay Oo Uu Helay

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Jose Mourinho ayaa xalay ka qayb-galay ciyaartii ka tirsanayd tartanka UEFA Nations League ee dhex martay dalalka Serbia iyo Montenegro.

Jose Mourinho ayaa garoonka fadhiistay ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin, waxaana uu bilowgiiba qiimayn ku bilaabay ciyaartoyga diiraddu u saaran tahay ee Sergej Milinkovic-Savic oo u ciyaara xulka qaranka Serbia iyo kooxda Lazio.

Sergej Milinkovic-Savic ayaa garoonka kusoo bandhigay xirfad layaab leh, waxaanu ka shaqeeyey goolashii ay guushu ku raacday dalkiisa, gaar ahaan kubbad uu diilinta horteeda caawiye uga noqday Aleksandar Mitrovic oo ay si aad ah ula dhaceen jamaahiirtu.

Mourinho ayaa qiimayntiisii uu garoonka u tegay waxa uu kala soo laabtay natiijo wanaagsan oo ah inuu si buuxda ugu qancay tayada ciyaarood ee Sergej Milinkovic-Savic oo uu doonayo in marka suuqu furmo ay Manchester United ka shaqayso sidii ay Lazio uga soo qaadan lahayd.

Man United ayaa la dhibaatoonaysa guul-darrooyin xidhiidh ah iyo khilaaf u dhexeeya tababaraha iyo ciyaartooyada oo uu hormood u yahay Paul Pogba.