Jose Mourinho Oo Weerar Toos Ah Ku Qaaday Liverpool & Jamaahiirtooda Ka Dib Barbarihii Ay Kooxdiisa Man United Ku Gashay Anfield.

by Saed Balaleti | Tuesday, Oct 18, 2016

mourinho

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in Liverpool aysan aheyn koox cajiib ah sida ay saxaafada ka dhigayeen ka dib markii ay kooxdiisa barbaro goolal la’aan ah ku qabteen kooxda Jurgen Klopp.

Kulan fursado yar la iska helay oo ka dhacay Anfield, kooxda martida loo ahaa ayaa waxaa inta badan caqabad ku noqday habdhismeedka daafac ee Man United.

“Dhibicdaan waxa ay ka celisay inay seddex ku guuleystaan” ayuu yiri Mourinho.

Natiijadaan ayaa ka dhigtay Liverpool inay ku jirto kaalinta afaraad ee Premier League iyagoo leh 17 dhibcood, waxaana ay seddex dhibcood ka sareeyaan United oo kaalinta 7aad ku jirta.

Liverpool ayaa ku qasabtay goolhaye David de Gea inuu sameeyo labo badbaadin oo cajiib ah qeybtii labaad, isagoo kubad gool loo fishay ka badbaadiyay Emre Can halka uu sidoo kale si fantastik ah kubad uga bixiyay Coutinho.

Kooxda Man United ayaa kubada heysatay kaliya boqolkiiba 35, waana tiradii ugu yareyd ee laga diiwaangeliyay United kulan Premier League ah tan markii shirkada Opta ay bilowday inay uruuriso xogaha xilli ciyaareedkii 2003-04.

Markii wax laga weydiiyay heerka hoose ee kubad-heysashada kooxdiisa, Mourinho ayaa u sheegay Sky Sports: “Taasi waxa ay aheyd ciyaarta aan ciyaarnay – ma koontarooli karin ciyaarta anagoo kubada heysana waqtiga oo dhan.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Labo darbo oo goolka ku bartilmaameedsan ayay heleen iyagoo kubada heystay boqolkiiba 65. Waa inaad dhaleeceysaan Liverpool. Waa dhibaatadooda, anaga ma ahan dhibaatadeena.

“Waan kantaroolnay ciyaarta kaliya ma ahan taatiko ahaan, laakiin dareenka ciyaarta ayaan koontaroolnay. Kulankaan waxa uu ahaa kii ugu aamusnaanta badnaa ee aan Anfield ku arko, waxaana filayay wax ka duwan.

“Falcelinta jamaahiirtooda waxa ay aheyd mid niyadjab ah. Dadku waxa ay filayeen inaan halkaan imaan doono islamarkaana dhib la kulmi doono, taasina ma aysan dhicin.”

Like it? Share it!

20 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. dulmidiid 19-10-2016 at 12:28 am - Reply

    Wa lige waxa laguqadaya dhibco waxa u wata ciyartoy iibsashadoda qaali kufadhiya mushar qali ah na qata hadana si isago champion guul u sogaray difacanaya si u ugusobaxo warega xiga difac galay waliba isago wax gola lahayn kagadarane uhadlaya sidi nin hadafku laha garay wuxu leyahay Liverpool kucambareya waxa ay ubadinwayen anu labada kox matagero lkn Jose koxda u hayo kumawado sidi ay ahayd in lowado koxda wu bahdilaya koxda waxa ay ahayd inay kobab utartanto e mahayn inay barejo kuqanacdo kuna fanto

  2. mohamed labani 18-10-2016 at 2:41 pm - Reply

    Ugu’horeyn waxan halkan kasalamayaa Bahda sportiga- gaar’ahaan Tageerayaasha Man unted. Run ahaanti kulunki xalay wuxu ahaa kulan wee’rar iyo wee’rer celis ah aniga ka tageero man untd ahaan waxan sugayay in aan kubad wanagsan iyo mid difaacashoba aan ciyaarno lkn adigoo goolba laheyn inaa difaac gasho waa wax aan layaabay oo aan man untd ku arag preamer leuge intaan dawanayay lkn laga yaabe inaa ku argay chompionka . Taas waxay ku tusin neysaa man untd sanadkan in ey aad ugu daciifsan tahay sanadihii h--e, difaaca waa wax lobahan yahay lkn ma ahan mid aad goolal ku dhalin karto. Jose haduu guuulo inuu man untd lagaaro rabo wa inuu 4-2-3-1 iska badalaa kuna badalaa 4-4-2 ama 4-3-3 wa haduu guul rabo

  3. Abdi Fatah Ibrahim Hassan 18-10-2016 at 1:08 pm - Reply

    kkkkkkkkkkkk qof aan kubbad soo ciyaari jirin hadalkiisa lee ahaa waaxa uu sheegaayo mourinho, klopp ma gaari karo bareejo ayuu kusoo tashtay isagoo wato ciyaartooy qaali ah dhanka mushaarka iyo dhanka soo iibsashadaba kkkkkkkkkkk cajiib ahaa saxaafadda muu ka dhuunto xilligaan cml mala hadlo …

  4. Dr Subow 18-10-2016 at 11:25 am - Reply

    waxaan sii ogaa in Jose uu qaab difaac ah uso geli doono marku isla so xareyey Harera Flain iyo weliba Pogba
    waa markii igu horeysay aan arkaya Koox bar bara ku qanacsan iyo weliba kaalinta 7aad intaso lacag ahna qarasha gareysay
    jamahirta weligood maynan amuusin mana aamusi donaan taas Jose qiil ayuu ka dhiganaya

    wa la so dhaafay Xiligii Jose u tababara qatar ahaa

  5. Sefudiin xabibullah 18-10-2016 at 11:19 am - Reply

    Asc salan kadib kulankii xalay wan wada dawanay wana arkene mucjisada Liverpool ee laso Shir tagtay mida Jose hadi an uso labto Man United xalay wala xakameye oo waxa latusay kubad waxa ee tahay mida labada goor lagu halis galiye ee u kadhawajiye Macalin Jose asaga xata hal ma ula tagay shabaqa Liverpool loma bahna in laydka hadlo mida kale kulankii xalay waxan dhihi kara harera iyo De Gea nala ciyaray Pogba iyo ibrahimovic ilaa hada wanla yabanahay Falani iyo Valencia iyo rashford aa iyagana la xaqiri Karin aniga sideyda kubad Kama Ben shego Wan idiin salamaya Inta samaha jecel

  6. mohammed FCM Jarati 18-10-2016 at 11:12 am - Reply

    Garoonka looma soo galin in la isdufaaco ee waxaa loso galay in laciyaro Rer Musqul United waba ku fanan in 35 position ay helan

  7. ilove reds 18-10-2016 at 11:10 am - Reply

    hhhh waxan udiidney saddex dhibcood kkk bar baraha ku faraxsanaada kkk

  8. QAADIRO SAXIIBKII 18-10-2016 at 11:04 am - Reply

    man tababare may wayday marky saqidkan so ibsanayso, waxan u firsanyay mour intu tababare ah, bal eg markasto laga gulaysto cid kalu eeda sara man arkin mou oo wali eda dusha u ritay, intbdn ciyaryahnda ayu edeya, marna albitaraha waxnse yabka yabki igu noqotay marku chelse jogay ee u danbysy uu eeda guldarada dusha ka saray dhakhtarada.kkkkkkkkk war kani waa super one saw maha.

  9. manu 18-10-2016 at 10:45 am - Reply

    anuu waxaan taageeraa man united lakiin sinaba uguma qanacsani qaab dhismeed man united waxaan taageerayey ilaa 2002 welina maan arkin man united ku faracsan barbaro iyo kaalin todobaad shidh waxaan way bahdileen kooxda.what the hell

  10. sadam 18-10-2016 at 10:28 am - Reply

    Chelsea baa ku sugeyso ino imow macalin

  11. Al Carabi 18-10-2016 at 10:23 am - Reply

    Waxey aheed ciyaar dagan inkastoo ay marar badan rough Game ciyaarayeen Liverpool si walba United ayaa tustey Naadiyaasha waaweyn ee lagu yaaci jirey in La Aamusin karo qeylada badane Kloop tankale Man of the Match waxaa ahaa AnderHerera ee ma aheyn Degea warbixinada ciyaarta aqrista asxaabta

  12. Wiilka Qurbajoogta Quudhsada 18-10-2016 at 10:21 am - Reply

    Anigu 2da koxod midna ma tagero, lkn waxa cad inu mourino barejo ku qanacsnyay isago koox wayn wata mida kale wuxu niyad jabiyay ciyartoyda qiimaha ad ogtay ku joga. Kulahaa anigu wan gulaysty oo liver ayan 35 kubad hayna ka helee iyaga guldarayste iyaga su’ala. Kani wlhi kox c halo dhibo.,

  13. Tilmaame 18-10-2016 at 10:18 am - Reply

    Bootada weyne kubbad baa lagu laciyaaray saad bas dhigatay koox uu jose wato waa boring dheesheedu takale isku hanba maaaha liverpool sha epl tartanka ugu jirta iyo koox 90 daafac ciyaaraysa hadad top 8 sogashan baad nasiib leedihiin viva liverpool

  14. garaad 18-10-2016 at 10:06 am - Reply

    jose runtuu ka hadlaa waa nin dagan oo ka mid macaliminta dunida ugu fcn

  15. Queen 18-10-2016 at 9:54 am - Reply

    jose wa runtis mida kale 2 degea badbadiyy un bay ula tageen e maxay ku taraysa kubad hysasho 65 ah ninkaas jose ah sidisa runta la shega ama wa layska amusa

  16. zaapir 18-10-2016 at 9:51 am - Reply

    Maxay kaga tala her Liverpool oo haysatay 65 ayaa lava fursadood abuurtay oo goal loo fushay kkkkkk

  17. zaapir 18-10-2016 at 9:49 am - Reply

    Lipaax wlhi morrinho lkn se tatikada ciyaarta Chelsea wax ka basal

  18. Mohamed Deco 18-10-2016 at 9:45 am - Reply

    United waxba meesha kuma haaynin xalay kkkk 35 kubad heeysashaha ayaa ku cadeeneysa. Mideeda kald man of the match waxaa aha De Qea waayo asaga ayaa inaga badbaadiyay women united kkkk vvia liverpool

  19. mohammed cabdiqaadir jaamac 18-10-2016 at 9:35 am - Reply

    liverpool way dhibaatootay.. man united ayaa ku tiiqsatay…..

  20. omar mohamed 18-10-2016 at 9:21 am - Reply

    Jose Mourinho waa baq baqle maxa yelay asaga oo record xun laga so diwaan galiyay ayuu af isku difacayaa yab 110Milions ayaa garoonka ugu jiro iskaga carar dheh meeshas

Leave A Response